Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cisbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo 22 sano kadib dib loo Hawlgaliyey

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Cisbitaalka xoogga ee magaalada Muqdisho ayaa 22 sano kadib dib u bilaabay adeegyadii caafimaad ee ay ka heli jireen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo qaybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed,Cisbitaalka ayaa ka mid ahaa goobihii ay sida ba’an ugu burburay dagaaladii xaq-darada ahaa ee dhexmaray shacabka Soomaaliyeed.

Cisbitaalka ayaa hada waxaa la hawlgaliyey qaybo kamid ah waxaana hada si caadi ah u socota adeegyada ay bulshadu ka helaan kuwaas oo aan wali gaarsiisneen sidii loo baahnaa balse shaqada Cisbitaalka oo ah bilow ayaa xiligan  waxaa adeeg caafimaad ka hela ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Cisbitaalka Xoogga C/qaadir Muuse Cismaan ayaa sheegay in qeybo badan oo ka tirsan Cisbitaalka lagu sameeyey dayactir oo hada ay si caadi ah u shaqeeyaan isagoona tilmaamay in Cisbitaalku uu bixiyo adeegyo caafimaad oo kala duwan.

Wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Cisbitaalka qeybo ka mid ah ay wali burbursan yihiin isla markaane uu u baahan yahay gurmad hor leh iyo in dhamaantiis dib u dhis lagu sameeyo.,agaasimaha ayaa intaa ku daray in Cisbitaalka ay hada ka hawlgalaan 45 shaqaale ah oo u badan Kalkaaliyaal caafimaad.

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles