Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

In Ka Badan 20 Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Tababarka ‘Saxaafadda Baarista’ uga Furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

$
0
0

Muqdisho (RBC) 25 suxufi oo ka kala socday 25 warbaahinood oo isugu jira Idaacado, Talefishino, Wargeyso iyo kuwa Websiteyada wax ku qora ayaa maanta tababar socon doona afar maalmood uga furmay Hoolka Shirarka ee Garoonka Caalamiga ah ee Adan Adde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo lagu baran doono Habka Baarista ee Saxaafada (Investigative Journalism) ayaa waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo AU/UN Information Support Team (IST), iyadoo ay ka dhigayaan macalimiin aqoon u leh saxaafadda oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi sida tifaftirihii hore ee Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar iyo Andrew Hill oo ah weriye horey uga soo shaqeeyay Wakaalada Wararka ee RUETERS.

Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Mr. Maxamed Ibrahim oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada tababarka iyo himilooyinka la doonayo inay gaaraan, awoodna u yeeshaan marka ay tababarka dhameystaan.

Sidoo kale, waxaa furitaanka ka hadlay Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Shaqada ee Wasaarada Adeegga Bulshada, Mr. Aweys Xadaad ayaa isna xusay muhiimada tababarkan nuucan ah u yeelan karo suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay NUSOJ doorka muhiimka ah ee ay ka cayaareyso horumarinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey macalimiinta ka yimid waddamo fog si ay ugu faa’iideeyaan suxufiyiinta,  waxa uu sidoo kale xusay in NUSOJ ay kala shaqeyneyso Wasaaradda howlo muhiim u ah shaqaalaha Soomaaliyeed oo wasaaraddu xustay lagama maarmaanimada in la helo Dallad guud ee ay shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, waxaa tababarka furay wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiid, Mr. Abdishakur Mire, isagoo ku amaanay suxufiyiinta ka qeyb geleysa sida ay diyaarka ugu yihiin inay aqoontooda kordhiyaan.  Wasiirku waxa ku amaanay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed doorka ay ka cayaareen qabsoomidda Tababarkan muhiimka ah, waxa uuna sidoo kale u mahad celiyey IST taageerada ay u fidiyaan saxaafada iyo wasaarada intaba, waxa uuna ku dhawaaqay in tababarku furan yahay, isagoo kula dardaarmay suxufiyiinta inay ka faa’iideystaan tababarka.

Yuusuf Gaarad Cumar oo ku hadlayay magaca tababarayaasha ayaa waxa uu u mahadceliyey NUSOJ iyo IST qabanqaabada tababarkan, isagoo sheegay afarta maalmood oo ay duruustu socon doonto in isbedel laga dareemi doono habka tebinta casharada ay siin doontaan suxufiyiinta.

Tababarkan oo ah kii nuuciisa ah labadii sano ee la soo dhaafay Muqdisho lagu qabtay ayaa la filayaa in uu soo gebagaboobo Maalina Talaadada ee foodda nagu soo heysa, iyadoo suxufiyiintii ka qeybgalayna ay cadeeyeen sida ay ugu baahan yahay in helaan tababaro noocan ah oo joogto ah, iyagoo ka codsaday in ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed uu joogteeyo tababarada noocan ah.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles