Kismaayo iyo Masiirka Midnimada Qaran Soomaaliyeed
Maxamed Cllaahi Maxamuud (Ildab)
Ildab20@gmail.com
Abriil 07 2013
Kismaayo waa magaalo xeebeed dhacda dhanka Koonfureed ee dalka Soomaaliya, waxayna ahaan jirtay caasumadii saddexaad ee Soomaaliya intii uusan dhicin burburkii qaranka Soomaaliya kahor 1991. Intii ka danbaysay mudadaas Kismaayo waxay dhibbane u ahayd dagaalo rogaal celis ah oo ay isku qaadayeen Soomaalidii ku dugaalamaysay labaatankaas sano.
Marna kuma seexan Kismaayo dadkeedu khatar iyo dagaal filasho la’aan toona, waxay dadkii kunnoolaa magaaladaas noqdeen kuwa aan marnaba aqoon micnaha deganaanshaha iyo xasiloonida iyo baraaraha horumar. Waxaa intaas u sii dheeraa in ay u ekaatay sida magaalooyinkii Sarayeevo iyo Nakoorno karabaakh, magaalo dad badan ay ku muransanyihiin, uguna muransanyihiin siyaabo kala duwan. Waxay dadka qaarkood ku sifiiyeen in dadku kala yihiin mid u dhashay , mid ku dhashay iyo mid ku dhintay ( Dhammaan Soomaali).
Shirka Jubbooyinka
Waxaa beryahaan danbe ka socday magaalado Kismaayo shir ay qaban qaabiyaal ka yihiin dad farabadan oo ka kala socday gobollada magaamulka Jubbooyinka raba in ay ku midoobaan, arintaasoo sida muuqata dowladda haatan talada dalka haysa ay si fiican uga biyo diidantahay sida wax lagu wado, si kasta arinku ha ahaado, qaar waxay leeyihiin waxa uu ka soo horjeedaa dastuurka dalka, qaar kale waxay aamminsanyihiin in siyaasado isdiidani ay jiraan oo lala xiriirinayo wax aynaan hadda arki karin, qaar kale waxay leeyihiin dowladdu nidaamka federaaliga ah waa ay ku rati kacsanaysaye wax ay siyaasad ahaan aamminsantahay maaha . Si kastaba arinku ha ahaado, waxaa lagu dhawaaqay , oo ay ku dhawaaqeen raggii dhawaantan xoogga ku soo galay oo ay dabataaganyihiin quwadihii ka caawiyay qabsashada Kismaayo (Kenyan) in la iskugu yimaado maamul goboleed iyadoo laga duulayo sida dadka akhriya dastuurka in uu arinkaasi dhigaayo nidaamka Federaaliga ah ee Soomaaliya.
Doorka dowladda
Dowladda haatan ka jirta Soomaaliya amase aan dhahee dowladihii ka unkamay Soomaaliya illaa shirkii carta waxay ahaayeen dowlado magac ahaan u jiray (Fadhiid) ee aan marnaba u ekaan waxa dad dagaalamay oo dagaal sokeeye ka soo baxay qaabkii ay dadkooda iyo dalkooda iskugu soo celin lahaayeen marnaba wadadeedii cagta saaray sida aan ka dheehan karno dhacdooyinkii iyo dowladihii is xig xigay muddooyinkaas. Ma yeelan quwad ciidan oo qabaa’ilkii Soomaaliya ku dagaalamay uwada dhanyihiin awood qaybsi ciidan kusalaysan , fiiri Lubnaan habkii ciidanka dowladda u qaybsadeen kooxihii waddankaas ku dagaalamay, siyaasad jeexan oo ku aadan dalkan wada dowladoobay dib umidayntiisa iyo la imaantinka tanaasuul lagu hiigsan karo in dib loo abuuro kalsooni umadeed iyo mid qaran.
Dowladda haatan ka dhisan dalka Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka yahay Xassan Sh. Maxamuud waxaa sida ka muuqata diidantahay in sida wax uga socdaan Kismaayo aysan waafaqsanayn dowladnimada sida marar badan ay sheegeen isaga iyo wasiiradiisu, ma kala garanayo midka dhabta ah ma Dastuurka federaalka ah baa lagarab marsanyahay sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha , ma Kulug lahaanshaha Igad iyo ciidamada Keenya baa mise dad Kismaayo sad ku leh oo laga boodsanyahay baa jira, oo sheekadu waa looma dhama ?.
Midkuu doono ha ahaado, qabanqaabiyaasha Shirka Jubbooyinka marna afkooda kama soo bixin dowladda federaalka ah ma aqoonsanin kaalinteeda balse waxay muujiyeen in ay jecelyihiin in dowladdu shirkaas iyadu taban taabiso, furto, agaasinto, meeshana laga taago wuxuun nidaam u eg oo dadku iyagu leeyihiin halkii lagu jiri lahaa dagaal taagan,isqab qabsi, rogaal celin laba ciidan, Guddoomiye iyo guddi kumeel gaar ah iyo waliba marnaansho maamul, waana wax lasoo dhaweeyo dhabtii ergo iskugu timid in nidaam maamul layag leelo si looga baxo maamul la’aan siduu doono ha ku bilaamo inta qaangaar dowladeed laga noqonayo si dadka loogu daneeyo in ay helaan waxuun xasilooni ah oo waarta. Fiiri Puntland, Galmudug iyo Somaliland iyagu maxay yihiin?
Howsha qaranka u yaal
Dabcan wax kastoo bilow ah xittaa qoraal yar ah markii aad taag taagto waxaa judhadiiba kaaga soo baxaya ceebo iyo galdaloolo fara badan. Arinta Jubbooyinka ka socoto waxaa moodaa in ay noqon karto mindi laba af leh oo unkumida qaran Soomaaliyeed midba si uun ku noqon karta: Tusaale ahaan waxaa mar labaad qalabka warbaahinta ka soo baxaya hadalo aad moodid in ay daciifin karaan wadadii dowladnimo qaran oo dib u heshiisiineed lagu gaari lahaa, iyo faragalin qaawan oo marlbaad Igad kula kacayso siyaasadaha gudaha Soomaaliya, hadday dowladu qaadan lahayn siyaasad xod xodasho ah oo ay ku taageerayso shirka Kismaayo ka furmay iyadoo isticmaalaysa shaarkeeda dowladnimo haba iska xadidnaadee, dadkeedana tanaasul badan u samayso si ay diirada usaarto waxa fog ee waxa dhow iska indho tirto, dalkana marlabaad rajo beel iyo quus ka ilaaliso si loo helo ummad midaysan oo ugu yaraan nooc waddinayad ah ku jirto, waxay dowladdu tahli karaysaa in ay soo celiso Soomaali midaysan haddii kalse haddii ay ka dhammaan waydo dastuuri maaha, looma dhamma, beesha caalamkaa na aqoonsatay, cunuqabataynkii hubkaa la qaaday iyadoo aysan caddayn siyaasad cad oo ka jeexan habka la iskugu keenayo nidaam federaali ah, ciidan qaran oo ka imaanaya Soomaaliya oo dhan waxay dowladnimadu mar labaad dib ugu riiqan karaysaa rajo beel, jug jugoo meeshaadii joog iyo hadba xillibaan xillibaan afka idaacadaha kaga taaga, faragalinta jirta oo sii gaamurta, qiilna hesha iyo aakhirkii dowladda oo dhexdeeda ka fashilanto waa aragtidayda shakhsiga ah .
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM