Awdhiigle(RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose sida uu ku waramaya gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha hoose Faarax Max’ed Cabdi.
Gudoomiye xigeenka dhanka amaanka ee deegaanka Awdhiigle ayaa sheegay in saaka aroortii hore ay duulaan ku qaadeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya deegaano ay ku sugnaayeen ciidamada alshabaab kuwaas oo uu sheegay in alshabaabku ay kasoo weerari jireen deegaanka Awdhiigle.
Faarax Max’ed ayaa sheegay in alshabaab maanta laga saaray deegaanada Mubaaraka,Daara-Salaam iyo Mareerey kuwaas oo dhamaantood hoos yimaada deegaanka Awdhiigle gobolka Shabeelaha hoose ,wuxuuna sheegay markii ay gaareen deegaanadaas ineysan la kulmin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen alshabaab.
Wuxuuna sheegay in alshabaab aysan xiligan lahayn awood ay iskaga difaacaan dagaalada kaga imaanaya dhinaca ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab buuxa ka helaya ciidamada nabad ilaalinta midwoga Afrika ee AMISOM kuwaas oo hada ku hawlan nabad dhalinta Soomaaliya,ilaa hada ma jirto war kasoo baxay alshabaab oo ku aaddan deegaanada ay dowladu sheegtay iney ka saartay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho