Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

SAWIRRO + WAR MURTIYEED: Shirweynihii Wadatashiga Dib u Habeynta Garsoorka oo La Soo Gabagabeeyay Iyo Talooyin Ka Soo Baxay

$
0
0

Muqdisho (RBC) Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirweynihii heer qaran ee ka wadatashiga garsoorka dalka oo tan iyo maalinimadii Isniinta ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeybgaleen khubaro dhanka sharciga, culimaa’udiin, qareeno, bulshada rayidka iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo qurbaha ka timid.

Shirkan oo uu furay madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta waxaa si rasmi ah loogu soo gunaanuday hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.  Waxaana shirka xiray madaxweynaha oo maantana hadal ka jeediyey shirka dhammaadkiisa iyadoo ay wehlinayeen qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan booliska, asluubta iyo maxkamadaha.

Haddaba ka qeybgalayaashii shirkan socday mudada shanta maalmood ah ayaa soo saaray talooyin ay u jeediyeen dawlada Soomaaliya kuwaasoo ka kooban 10 bog ay kuu sheegeen inay waxka tari karaan isbeddel dhab ah oo lagu sameeyo nidaamka garsoorka ee dalka oo la isla wada qiray in dhibaato weyn ay ka jirto.


__________________________________________________________________________

WAR MURTIYEEDKA

SHIRWEYNAHA QARAN EE KAWADATASHIGA

DIB U HABAYNTA GARSOORKA IYO KAABAYAASHIISA

MUQDISHO, SOOMAALIYA
1-5 April 2013

ARAAR

1. Iyadoo laga duulayo baaqii madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu jeediyay 11kii bishii Febraayo ee sanadka 2013 oo ugu yeeray shirweyne qaran oo looga wada tashanayo dib u habaynta garsoorka iyo kaabayashiisa, kaasoo ka tarjumayay tiirka labaad ee tiirarka lixda ah (Six Pillar Policy) ee ay ku qotonto aragtida siyaasadeed oo uu madaxweynuhu ku dhawaaqay 16kii Septembar 2012;

2. Iyadoo la hirgalinayo himilada shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaanka hay’adaha kala duwan ee cadaaladda lana daboolayo baahida uu u qabo in la helo cadaalad waarta oo u sahasha muwaadinka Soomaaliyeed helitaanka cadaalad uu isku halayn karo;

3. Iyadoo maalinimadii Isniinta oo taariikhdu ahayd 1da April 2013 ay isugu yimaadeen ergooyinka ka qaybgalayaasha shirweynahaas oo tiradooda gaarayso in ka badan laba boqol (200) oo qof oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa . Kuwaas oo isugu jiray wakiilo metelayay wasaaraddaha kala duwan, xubnaha baaralamaanka, sharciyaqaano ka kala yimid gudaha iyo dibada dalka, xubnaha garsoorka iyo kaabayaashiisa, ciidamada bileyska Soomaaliyeed, ciidanka asluubta, ururarada bulshada rayidka,
ururada haweenka, Jaamacadaha, culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka;

4. Iyadoo shirweynuhu uu si rasmi ah u furay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud, soona dhoweeyay ergada shirka, mahad celin balaaran ugu jeediyay sida wanaagsan ee loo aqbalay baaqa shirka, kuna dhiiri geliyay ergada inay soo saaraan talooyin wax ku ool ah oo loo bedeli karo qodobo la hirgelin karo oo aasaas u noqda dib u qaabaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa iyo dhisidda garsoor tayaysan oo la jaanqaadi kara dastuurka cusub ee dalka iyo marxaladda cusub ee dalku galay;

5. Iyadoo shirku socday 1da – 5ta bisha April ayaa waxa looga dooday xaalada guud ee garsoorka iyo kaabayaashiisa ka jira dalka iyo baahiyada sharci ee kala duwan ee haysata. Waxaana laga soo saaray talooyin xal u noqon kara taabagelinta garsoor tayaysan oo ilaaliya saraynta sharciga xaqiijiyana himilooyinka cadaalad doonka ah ee umadda Soomaaliyeed;

6. Iyadoo khuburada sharciga iyo aqoonyahanada kala duwan waqti dheer iyo dood cilmiyeedyo badan ka yeesheen sida hadda u dhisan yahay garsoorka iyo qaabka la rabo inuu ugu adeego shacabka Soomaaliyeed;

7. Iyadoo la tixgelinaayo burburka gaaray hay’adaha garsoorrka tan iyo markii dagaalka sokeeye dalka ka bilowday, arintaas oo keentay baahi loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka garsoor ee hadda jira, isla markaana ay lagama maarmaan tahay, dastuurka dalkuna farayo, in la adkeeyo madaxbanaanida garsoorka;

8. Iyadoo ka qeyb galayaasha shirweynuhu booqdeen qeybo ka mid ah maxkamadaha iyo xabsiga dhexe ee gobolka banaadir;

TALOOYINKA LASOO JEEDIYAY

Khuburadii iyo dhamaan dadkii ka qayb galay shirweynaha qaran ee dib u habaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa waxay soo jeediyeen talaabooyinka hoos ku xusan inay yihiin kuwo leh mudnaanta koowaad, islamarkaana ay ku baaqeen in loo dhaqan geliyaa sida ugu dhakhsiyaha badan.

Kadib markii ergada shirweynuhu dhagaysteen talooyinka kala duwanaa ee ku saabsan dib u habaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa ee ay soo bandhigeen guddi howleedyadii kala duwanaa.

Shirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa talooyinka soo socda:

1. In si deg deg ah dib uhabayn loogu sameeyo hay’adaha garsoorka iyo kaabayaashiisa si waafaqsan distuurka federaalka iyo xaalada kajirta dalka;

2. In si dhaqso ah loo sameeyo gudiga adeegga garsoorka si waafqasan dastuurka;

3. In si dhaqso ah loo soo dhiso maxkamadda dastuuriga si waafaqsan dastuurka;

4. In la dhiso maxkamadaha federaalka si waafaqsan dastuurka, laguna baahiyo qaybaha dalka oo dhan muddo ku haboon;

5. In la tayeeyo maxkamadda ciidanka qalabka sida si ay u fuliyaan howlahooda, dib u eegisna lagu sameeyo xeerarkooda.

6. In dayactir iyo dib u dhis lagu sameeyo dhismayaasha maxkamadaha loona qalabeeyo si waafaqsan halbeegga caalamiga ah ee dhismayaasha maxkamadaha;

7. Si loo helo madaxbanaanida garsoorka in lakala xadeeyo howlaha hay’adaha fulinta iyo kuwa garsoorka;

8. In howlwadeenada garsoorka la siiyo mushaaro iyo agab ku filan si ay u gutaan howlaha loo igmaday

9. In kor loo qaado tayada howlwadeenada garsoorka iyo kaabayaashiisa;

10. In dib u habayn lagu sameeyo xafiiska xeer ilaalinta si waafaqsan dastuurka islamarkaana la tayeeyo howlwadeenada xafiiska xeer ilaalinta;

11. In dib u habayn lagu sameeyo dhamaan shuruucda dalka si waafaqsan dastuurka iyo shareecada Islaamka, lana dhiso guddi ka shaqeeya howlahaas aqoon xeeldheerna u leh

12. In baarlamaanku si dhaqso ah u meel mariyo samaynta iyo dhismaha shuruucda iyo hay’adaha lagu dhisayo garsoorka dalka iyo xeerarkiisa si waafaqsan dastuurka;

13. Si ay howshoodu ugu gutaan si hufan oo dhowreysa xuquuqda muwaadiniinta waa in dib u habayn lagu sameeyo hay’adaha boliiska, ciidanka asluubta iyo kuwa nabadsugidda laguna tababbaro dhowrista xuquuqda aadanaha, anshaxa iyo mabaadi’da Islaamka;

14. In dib u dhis lagu sameeyo xabsiyada dalka oo la waafijiyo halbeega xabsiyada casriga ah, islamarkaana la dhowro xuquuqda aasaasiga ee maxbuuska.

15. In lasoo saaro xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka naafada ah; loona dhiso maxkamado gaar u ah caruurta iyo da’yarta islamarkaana si buuxda looga hortago tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka,

16. In haweenka loo suurta geliyo inay ka qayb qaataan dhamaan hay’adaha cadaaladda si waafaqsan dastuurka;

17. In la dhiiri geliyo kaalinta hay’adaha bulshada rayidka ay ku leeyihiin wacyigelinta arrimaha sharciga iyo cadaaladda;

18. In muwaadinka loo fududeeyo helitaanka cadaaladda, islamarkaana tixgelin gaar ah la siiyo dadka danta yar;

19. In si dhaqso ah loo sameeyo gudiga la-dagaalanka musuqmaasuqa lana xoojiyo kaalintiisa sharci;

 DHAQAN GELIN

Haddaba si loo dhaqan geliyo talooyinka wax ku oolka ah ee kor ku xusan, loona helo farsamadii sharciyeed iyo talaabooyinka bilowga ah ee lagu hirgelin lahaa talooyinkaas, shirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa talaabooyinka hoos ku xusan oo khuseeya dib u habayn lagu sameeyo garsoorka iyo kaabayaashiisa.

1. Garsoorka

Qeybta 1aad:
Iyadoo la cuskanayo qodobada 109 A, 109 B, 111 B, 111C, 111 J, 112 iyo qodobka 114 ee dustuurka Federaalka ah, shirwaynuhu wuxuu ugu baaqayaa xukuumada in muddo saddex bilood gudahood ay baarlamaanka ugu soo gudbiso xeerarka hoos kuqaran:

1. Xeerka guddiga adeega garsoorka
2. Xeerka maxkamada dastuuriga
3. Xeerka gudiga xuquuqda aadanaha
4. Xeerka gudiga dib u habaynta shuruucda
5. Xeerka xafiiska madaxa banaan ee xeer ilaaliyaha guud (Attorney General)
6. Xeerka gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa
7. Xeerka xafiiska gardoonka qaranka

Sidoo kale shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in muddo shan bilood gudahooda:

1. Lagu soo dhiso maxkamadda dastuuriga
2. Lagu soo magacaabo gudiga adeega garsoorka
3. lagu soo magacaabo gudiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha
4. Lagu magacaabo gudiga la dagaalanka musuqmaaquqa.
5. Lagu soo magacaabo gardoonka qaranka (Ombudsman).

Qeybta 2aad
Shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in gudiga adeega garsoorku ay muddo seddex bilood ah ku soo magacaabaan guddiga kala saarista ( Judicial Vetting Committee), gudigaas oo ay hawshoodu noqon doonta in si dhaqso ah uga baaraan degto, qiimeyna ku samayso tayada aqooneed, waaya aragnimada, wax qabadka, hufnaanta iyo daacadnimada dhaamaan hawlwadeenada garsoorka hada shaqeeya ee ay ka mid yihiin:

1. Garsoorayaasha
2. Hawlwadeenada maxkamadaha
3. Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud iyo dacwad oogayaasha
4. Dhamaan hawlwadeenada

Qeybta 3aad
Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa in la aasaaso machad qaran ((National Judicial Training Institute), oo si joogto ah loogu tababaro hawladeenada garsoorka iyo kaabayaashiisa, kaas oo hoos tagi doona wasaaradda cadaaladda.

Qeybta 4aad
Shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in khubaro aqoon u leh ay si dhakhso ah sahamo ku soo sameeyaan dhismayaasha maxkamadaha hadda jira si ay uga soo talo bixiyaan kuwa baaba’san oo u baahan dhismo cusub iyo kuwa la dayactirayo, si loo waafajiyo halbeega caalamiga ee dhismayaasha maxkamadaha. Sidoo kale wuxuu shir weynuhu ku baaqay in dhismayaal maxkamado oo cusub lagu baahiyo dhamaanba goobaha dadku ku badanyahay.

Qeybta 5aad
In la dhiso agaasin maamul (Court Administration System) oo hoos taga gudiga adeega garsoorka kaas oo masuul ka ah dhamaanba arrimaha maamul iyo maaliyadeed ee ay u baahan yihiin hay’adaha garsoorka iyo maareyntooduba.

2. SHURUUCDA DALKA

Qaybta 1aad
Shirweynuhu wuxu ugu baaqayaa xukuumada in mudo hal bil gudeheed ay ku soo magacawdo gudiga qaran ee dib u habeynta shuruucda (National Law Reform Commission) oo shaqadeedu tahay dib u eegista dhamaan shuruucda dalka si loo ogaado shuruucda u baahan in wax laga badalo ama dib u habeyn lagu sameeyo, iyo ka tala bixin xeerarka cusub ee loo baahan yahay si loo waafajiyo dastuurka federaalka ee dalka.

Qaybta 2aad
Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa in gudiga dib u habeynta shuruucda lagu daro culumo Soomaaliyeed oo ku xeel dheer shareecada islaamka oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda si ay gudiga ugu fududeeyaan in shuruucda dalka la waafajiyo shareeecada islaamka. Gudigaas oo mudnaanta koowaad siin doonta soo diyaarinta xeerarka kala ah:

1. Xeerarka nidaamka garsoorka
2. Xeerka Ciqaabta
3. Xeerka habka ciqaabta
4. Xeerarka habka madaniga iyo
5. Xeerka la dagaalanka burcad badeedka iyo argagixisada
6. Dhamaan xeerarka kale oo dhan iyada oo gudigu uu eegi doono marba sida loogu kala baahi badan yahay.

Qeybta 3aad
Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa in si dhakhso ah dib u habayn loogu sameeyo faafinta rasmiga ah (Official Gazette) si loogu faafiyo dhammaan shuruucda dalka iyo arimaha kale ee rasmiga ah, islamarkaana dadka loogu wacyi geliyo shuruucda dalka.

3. BOOLISKA
Shirwaynuhu wuxu hoosta ka xariiqay in boolisku ahmiyad wayn ugu fadhiyo dhaqan gelinta nidaamka cadaaladda ee suuban, sidaas darteed, waxa uu xukuumada ugu baaqayaa:

1. In tababarada akadeemiyaasha booliska lagu daro duruus ku saabsan xuquuqda aadanaha si waafaqsan dastuurka iyo shareecada islaamka;

2. In si gaar ah booliska loogu tababaro ixtiraamka xuquuqda dastuuriga ah ee uu leeyahay muwaadinka soomaaliyeed;

3. In ciidanka booliska lagu tababaro hannaanka dambi barista ee casriga ah, isla markaana xarumaha dambi baarista lagu qalabeeyo tiknoolajiyada cusub ee fududeyn karta baarista danbiyada;

4. In la abuuro guddi kormeer oo rayid ah (Civilian Oversight Committee) kaas oo kala xsibaatami doonta ciidanka bileyska hawlaha uu u hayo bulshada si waafaqsan dastuurka.

4. XABSIYADA
Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa:

1. In la dhiso xabsiyo leh dhamaan adeegyada aasaasiga u ah maxaabiista, isla markaana tababarka ciidanka asluubta lagu daro duruus ku saabsan xuquuqda aadanaha si waafaqsan dastuurka iyo shareecada islaamka;

2. In dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo xeerka xabsiyada, lana dhaqan galiyo hab raac damaanad qaadi kara ilaalinta xuquuqda maxbuuska si waafaqsan dastuurka, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da shareecada islaamka;

5. XUKUUMADDA
Shirwaynuhu waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacawdo gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka (Review and Implementation Commision) sida ku xusan qodobka 134 B ee Dustuurka.

6. GUNAANAD IYO MAHADNAQ
Haddaba marka la dhaqan geliyo talooyinka shirka, waxaa aan ku han weynahy in la helo Nidaam cadaaladeed oo ku salaysan:

1. Nidaam cadaaladeed oo hagaya dowladda lana xisaabtamaya
2. Nidaam garsoor oo shacabku isku halayn karo, ku kalsoonaan karo, loona siman yahay
3. Nidaam cadaaladeed oo keenaya sarraynta iyo u hogaansanka sharciga
4. Helitaanka nidaam cadaaladeed oo hufan oo dhowraya xuquuqda aadanaha, muwaadin kastana si sahlan u heli karo.

Shirwaynuhu waxa uu xusuusineynaa xukuumadda iyo dhinacyada ay khuseyso in hirgalinta talooyinkan, diyaarinta qawaaniinta iyo hay’adaha ka dhalan doona ay u baahan yihiin miisaaniyad, shaqaale leh tababar iyo dhismooyin lagu hirgeliyo howshaas, taas oo ay lagama maarmaan tahay in loo qorsheeyo si ku haboon.

Gabagabadii Shirweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad celinayaa dhamaan ka qeybgalayaasha, si gaar ah wuxu shirweynuhu ugu mahad celinyaa waftiga balaaran ee ka socda dawlad goboleedka Puntland oo isugu jiray wasiiro, garsoorayaal iyo aqoonyahan si fir fircoona u soo bandhigay waaya aragnimadooda xaga garsoorka. Sidoo kale waxa mudan mahadnaq gaar ah aqoonyahanada ka kala yimid daafaha adduunka.

Ugu dambayntii shirku wuxuu u mahad celinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxanuud.

Allaa Mahad Leh!
Shirwaynaha Qaran ee Dib u Habeynta Garsoorka
Mogadishu April 5, 2013

HALKAN KA AKHRI WAR MURTIYEEDKA GABAGABADA PDF

________________
Faafinta: Raxanreeb.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles