Garoowe [RBC Radio] Kaddib markii saakey ay degmada Taleex si nabad galyo ah ay ula wareegen ciidamo ka tirsan Soomaaliland ayaa waxaa arrinta ka hadashey dowladda Puntland oo sheegtey inay talabaadii ugu danbeysey ka qaadi doonto Soomaaliland oo ay sheegen inay caadeysteen soo galida deegaannada Puntland.
Shir ay maanta yeeshen golaha wasiirrada dowladda Puntland ayaa waxaa looga hadley dan-daansiga ciidamada maamulka Soomaaliland ee sida qarsoodiga ah ku soo galaya deegaanno ka tirsan gobollada xadduudka ku yaalla ee Puntland.
Qoraalka ka soo baxey shirka golaha wasiirrada dowladda Puntland oo u ku saxiixna afhayeenka dowladda,C/laahi Mohamed Jamac Qur’aan jecel ayaa loga hadley qorsha Puntland ee kaga aadan xad-gudubka Soomaaliland ee deegaannada Puntland.
Shaqan qodob oo shirka ka soo baxey hoos ka akhriso:-
1, Waxay dawladda puntland la socod siineysaa beesha caalamka in maamulka soomaaliland uu duulaan qaawan ku soo qaadey 10 june, 2014 degmooyinka taleex iyo xingalool oo ka tirsan dhulka puntland
2 ,Duulaankaas gardarada ah wuxuu sababay barakac baahsan oo ka socda deegaamadaas ,
3, Dawladda puntland waxay mar kale u caddeynaysaa ummadda soomaaliyed,dawladaha dariska ah , iyo beesha caalamka in maamulka soomaaliland mar kasta oo ay duulaan kusoo qaadaan dhulka puntland ay weheliyaan howgalo ay ku taageerayaan ururka al shaab ee argagixisada ah si ay uga fuliyaan gudaha puntland falal argagiso
4, Ugu danbeyn dawladda puntland waxay diyaar u tahay iyadoo fulineysa waajibaadka dastuuriga ah in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda
5, Waxay kale oo ay dawladda puntland u direysaa baaq nabadgalyo iyo in la joojiyo colaadaha ku soo noqnodey gobolka shabeelada hoose ,iyo kuwo ka soo cusboonaadey gobolka galguduud in lagu dhameeyo colaadahaas wado hadal
Halkan hoose ka dhageyso afhayeenka dowladda Pl
Ma aha markii ugu horreeysey oo ay Soomaaliland ciidamo iyo mas’uuliyin ka tirsan ay soo gaaran deegaannada Puntland balse dhowr mar oo hore waxaa dhulka Puntland soo gaarey si qarsoodi ah mas’uuliyin iyo ciidamo maamulka ka tirsan.
____
RBC Radio