
Wasiirka Gaadiidka Badda ,dekedaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax
Boosaaso(RBC Radio) Wasiirka Gaadiidka Badda ,dekedaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland ayaa maanta beeniyey war lagu qoray mid kamid ah Mareegaha Internetka ee Soomaaliga lagu qoro.
Warkaas ayaa sheegayey in Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas uu amar ku bixiyey in la Joojiyo Shidaal 30-fuusto ah oo la siin jiray Shirkadda bixisa korantada magaaladda Garoowe ee NEC.
Wasiirka Gaadiidka Badda ,dekedaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland ayaa shirkiisa Jaraa’id waxaa ku weheliyey Wasiir kuxigeenkiisa Cabdirshiid Gaani Cali.
Wasiirka Cabdullaahi Jaamac Saalax oo Saxaafadda Shir Jaraa’id ugu qabtay Xafiiskiisa Boosaaso ayaa sheegay wararka lagu qoray Mareegaha ineysan waxba ka jirin isla markaana uusan shuqul ku lahayn joojinta la sheegayo in shidaalka looga joojiyey Shirkadda NEC.
Wuxuu sheegay amarka shirkadda looga Joojiyey Shidaalka uu isagu bixiyey ka dib markii Shirkadda korantada NEC u sheegtay Wasaaradda Wasiirka Gaadiidka Badda ,dekedaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda iney jarayso Korantadii ay siin jirtay Isbitaalka weyn ee magaaladda.
…….”” Waxay yiraahdeen waa laga gooyey Shidaalkii la siin jiray Garoowe oo 30 fuusto ahaa bil walba wey jirtay oo aniga ayaa ka gooyey,sababta aan uga gooyeyna waxay ahayd Shirkadu dabkii ay siin jirtay Isbitaalka ayey yiraahdeen waan goyneynaa anagana Shidaal bey naga qaadan jireen …..””ayuu yiri.
Wasiirka Gaadiidka Badda ,dekedaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland ayaa xusay iney kulmeen mas’uul ka socday Shirkadda korantada ee NEC isla markaana isku afgarteen arrimihii ay kawada hadleen sidaasna dib loogu fasaxay shidaalkii la siin jiray,isagoona tilmaamay iney ku heshiiyeen qodobo afar gaaraya sida:
01. Iney koranto bilaash ah siiyaan Masaajidada.
02. Saldhigyada Booliska.
03. Isbitaalka
04. Shaaricyada Magaaladda Garoowe.
Mar Saxaafadu weydiisay sababaha ay Shirkadda korantada ee NEC ku dooneysay in ku Joojiso korantada ay siin jirtay Isbitaalka weyn ee Garoowe waxa keenay xiligaan ayuu ku sheegay in qudhiisa u sheegeen in muddo shan bilood ah dawladu siin wax biil ah(Lacag ah).
……””Waxay yiraahdeen biil nalama siin shan bilood oo aad idinku maamulka Joogteen anana waxaan niri anagu shidaal baan idin siinaa Isbitaalkuna waa meesha ugu muhiimsan oo daryeelka Ummada lagu hayo….”’ayuu yiri mar kale.
Gabagabadii Wasiirka Gaadiidka Badda ,dekedaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa sheegay in shidaalkii dib loogu fasaxay NEC isla markaana isfaham laga gaaray arrimihii jiray.
_______________
RBC Radio/Boosaaso