Ufeyn(RBC Radio) Degmada Ufeyn oo ka tirsan gobolka Bari ayaa yeelatay Golle deegaan oo ay soo doorteen Xildhibaano matala shacabka deegaanka ku dhaqan.
Kulankii lagu dooranayey maamulka cusub ayaa,waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Karaash,Guddoomiyaha gobolka Cabdisamad Gallan,Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Badda Iyo Dekedaha Cabdimajiid Jaafaan,W/amniga,PDRC iyo Xildhibaano.
Gollaha deegaanka degmada Ufeyn ayaa Guddoomiye u doortay Maxamed Axmed Carab oo helay codad dhan 11-cod halka Axmed Aw-Faarax uu isna helay 9-cod,waxaana nidaamka Codeyntu ahayd hab gacan taag ah.
Sidoo kale Gollaha deegaanka ayaa Guddoomiye kuxigeenka u doortay Maxamuud Maxamed Maxamuud oo helay codad dhan 13-cod halka Siciid Maxamuud Siciid uu isna helay 7-cod dhammaan codadkii la dhiibtay.
Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku dhawaaqay Musharaxa guuleystay ayaa sheegay in uu kula dardaarmayo Gollaha cusub iyo maamulkiisaba iney u si cadaalad ah ugu shaqeeyaan Shacabkooda.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo ka hadlay qaabka ay doorashadu u dhacday ayaa ku tilmaamay mid Dimuqraadi ah ,wuxuuna ku booriyey Xubnaha la doortay in si wanaagsan ugu adeegaan bulshada Ufeyn ku dhaqan.
Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Badda Iyo Dekedaha Cabdimajiid Samatar Jaafaan oo hadal ka Jeediyey kulanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga wadashaqeeyo dhinaca nabadgelyada,Iskaashiga iyo Isdhexgalka shacabka.
Mudane Cabdimajiid Samatar Jaafaan ayaa sheegay in degmada Ufeyn uga baahantahay Wasaaradda arrimaha gudaha Taageero xoog leh maadaama ay tahay degmada tahay tan shanaad ee ugu ballaaran Puntland dhanka Waxbarashada.
Beeldaaje Cali Faarax oo kamid ah Issimada ugu waaweyn Puntland ayaa ku booriyey Hoggaanka cusub ee deegaanka iney a yimaadaan Isbadel muuqda ,wuxuuna EEBE uga baryey in xilka ay u qaadeen bulshadooda u fududeeyo ,intaasna wuxuu ugu daray hambayo iyo dhiirigelin.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Maxamed Axmed Carab Iyo Kuxigeenkiisa Maxamuud Maxamed Maxamuud oo dhankooda ka hadlay daroonkooda ayaa ballanqaaday iney la imaan doonaan Isbadel dhinac kasta ah,waxayna sheegeen in loo baahanyahay in lagu gacan siiyo shaqadooda.
Si kastaba Xukuumada cusub ee Puntland ayaa wada qorshe ay Gollayaal deegaan ugu dhiseyso deegaanada Puntland ,waxaana tallaabadan si weyn usoo dhaweeyey shacabka Puntland.
___________________
RBC Radio