Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20208

Xildhibaannada oo ka dooday wax ka-bedelidda xeer hoosaadka

$
0
0

2013122635215736383293233DSC02252

Muqdisho [RBC Radio] Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeeshen waxaa ay kaga dooden wax kabadalka xeer hoosaadka baarlamaanka oo shalay guddiga xeer hoosaadka iyo xasaannadda baarlamaanka ay soo jeediyeen wax ka badalka.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaana furitanka kulanka baarlamaanka lugu dhaariyey Xildhibaannada kala ah Raabico Sheekh Nuur iyo Cumar Cali Isxaaq oo labaduba badalay Allaha u wada naxariistee Isxaaq Maxamed Riino, iyo C/casiis Sheekh Isxaaq Mursal.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gaba gabadii kulanka ka hadlay ayaa muujiyay saameynta iyo culeyska ay leedahay ka hadalka warbaahinta ee xiliyada qaarkood shacbiga Soomaaliyeed lagu niyadjabinayo, waxaana sidoo kale codkiisa uu ku biiray saameynta ka maqnaanshaha fadhiyada baarlamaanka.

Ka sokow wax kabadlka xeer hoosaadka baarlamaanka waxaa maalintii 4-aad dib loo dhigay u codeynta hindise sharciyeedka bankiga horumarinta dalka kaddib markii loo waayay wax kooram ah, kalfadhiga 4-aad kulankiisa 34-aad waxaa muuqda in howlaha baarlamaanka sida markii hore guddoonka ay haminayeen oo eheyd in la qabto howlo badan, waxaana mudadan 34-ta kulan waxyaabaha u qabsoomay aan ka xusi karnaa ansixinta miisaaniyadda dowladda iyo dib u celinta hishiiska shirkadda Favori ee Turkiga.

Xildhibaannadu waxaa ay sheegen inay si wadi doonan dhammaanka ka hadlida qodobadda iyo ajandayaasha horyaalla.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20208

Trending Articles