Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Puntland oo soo dhaweysey isi soo dhiibidda Sheekh Atom[Dhageyso]

$
0
0
Wasiir amniga Puntland,Xasan Cismaan Alloore

Wasiir amniga Puntland,Xasan Cismaan Alloore

Garoowe [RBC Radio] Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqdey goor dhaweyd inay soo dhaweyneyso go’aankii uu isku dhiibey Sheekh Maxamed Saciid Atom oo hoggaamiye u ahaa koox ka dagaallami jirtey buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

Wasiir amniga Puntland,Xasan Cismaan Alloore ayaa warbaahinta gudaha xilli uu la hadlayey waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayan isi soo dhiibidda Sheekh Atom.

Waxaa kalo uu sheegay wasiirku in ay la socdeen qorshaha uu isku soo dhiibay, ayna ka war hayeen tobankii maalmood ee ugu dambeeyey.

Hoos ka dhageyso hadalka wasiirka


Maxamed Saciid Atod,waxaa lugu xasuusta dagaalladii buuraha Gal-gaa ka qarxey sannadkii 2010,waqtigaaso ciidamada dowladda Puntland ay dhowr mar dagaal kula galeen,waxaana uu horrey xilligii ay dagaallada socdeen uu saxaafadda u sheegi jirey inay ka tirsan-yihiin Al-shabaab.

Hor-jooge la yiraahdo Yaasiin Kilwe oo dowladda Mareykanka ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 3 milyan oo doollar ayay kooxda Al-Shabaab u xil-saaratay inuu sii wado dagaalka kooxda ay kula jirto  Puntland.
__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Trending Articles