Syeachels [RBC Radio] Hay’adda booliska adduunka ee Interpol ayaa shaaca ka qaadey in maal-geliyaashii Burcad-badeedda Soomaalida ay badaleen qorshahoodi isla markaana ay la soo baxeen wajiyo cusub oo ay ku daanayan inay howlgalo ku qaadan.
Shir looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa qorsha cusub ee ay la soo baxeen maal-geliyaashii Burcad-badeedda Soomaalida,waxaa uu ka dhacay Jasiirada syeachels,waxaanaka qeyb-galay mas’uuliyin ka socotey dalalka ku howlgalla la-dagaallanka burcad-badeedda.
Ilaa shan dowladood ayaa shirkan lugu casumey,waxaana inta uu shirka socdey lugu falan-qeeyey sida looga hortagi karo wajiyada cusub ee ay la soo baxeen maal-geliyaashii burcad-badeeda.
Dowladda Puntland oo shirka ka qeyb-gashey waxaa u matalayey agaasimaha la-dagaallanka Burcad-badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane),waxuuna dhankiisa sheegay in shirka uu muhiim u ahaa Puntland maadaama la sheegay in looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa qorshayaasha cusub ee ay la soo baxeen maal-geliyaasha Burcad-badeedu .
Ducaysane wuxuu sheegay in shirka ay ka soo bexeen natiijooyin macquul ah oo ay ka mid yihiin in dabagal lagu sameeyo hanaanka cusub ee maal-geliyaasha burcad-badeedii.
Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay agaasimaha la-dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, inuu ka codsadey hay’adda booliska adduunka ee Interpol in wajiga labaad ee shirkan lugu qabto Puntland.
___
RBC Radio