Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20329

Barakac ka bilowdey deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

Image may be NSFW.
Clik here to view.
8840E2B9-2304-4375-A180-1AB4B815ECDD_w640_r1_cx0_cy4_cw0_s

Shalanbood [RBC Radio] Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose waxaa ay soo sheegaya in deegaanno ka tirsan gobolka ay ka bilowden barkac ay sameenayey dadka shacabka ah,sida waxaa sheegay mid ka mid ah dadka ku nool Shalaanbood.

Barakaca ka bilowdey deegaannada waxaa lugu sheegay inay dadku ka cabsi qabaan colaado ka soo xusboonatey gobolka.

Dagaallada gobolka Shabeellaha hoose ka dhacay waxaa ay u dhaxeeyan maleeshiyo beeleed dhowr jeer horey ugu dagaalantay gobolkaasi. dagaalladan ayaa la sheegay in culayskooda uu ka dhacay inta u dhaxaysa Marka iyo Shalanbood, ugu yarana 4 qof ayaa ku dhintay.

Dadka barakacaya waxaa la sheegay inay u badan-yihiin beera ley,waxaana ay sheegen inay ka cararayan dagaallo dushooda ka dhaca.

Dagaallada xilligaan ka soo cusboonadey gobollada Shabeellaha waxaa uu dhexmaraya ciidamada kala taabacsan guddoomiyaasha Marka iyo Shalaanbood.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa isna dhankiisa sheegay inay ku dadaallayan sidii markale loo qaboojin laha xisada ka taagan gobolka Shabeellaha hoose oo sababtey inay dadku barakacaan.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20329

Trending Articles