Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20329

Garaad Cali Aadan Diini oo siweyn loogu soo dhaweeyey Garoowe shirarna ku qaatey [Sawirro]

$
0
0

20140604_135558

Garoowe [RBC Radio] Garaad Cali Aadan Diini oo ka mid ah salaadiinta beesha Tanade Daarood ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasumada dowladda Puntland.

Banaanka hore ee Garoowe waxaa ugu hortagey waftiga garaadka dadweyne aad u farabadan kuwaaso isagu jiray,odayaal,waxgarad,siyaasiyin iyo dhallinyaro,waxaana kulan qada ah ay ku qaaten gudaha magaalada.

Garaadka ayaa xubnihii soo dhaweeyey waxaa uu la qaatey shirar kala gadisan oo u ka xog wareysanayey ayna ku kala warqaadanayeen.

Dadka uu la shirey Garaad Cali waxaa ay u badnaayeen odayaal iyo dhallinyaro,waxaana ka mid ah xubnihi ka qeyb-galay kulanka garaadka Nabadoon Siciid Faarax (Garas),Nabadoon Shaafici Jaamac Roorshe,xildhibaan Maxamed Dheer,Saciid Ciro-weyne,Caaqil Cali Daad Saciid,Xildhibaan Cismaan Siciid Dhoodi,Cor,Maxamed Faarax Cali (Gurey).

Dowladda Puntland,waxaa kulan uu garadka qeybaha bulshada uu la qaadanayey kaga qeyb-galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda duuliska hawada,C/llaahi Jaamac Roorshe.

Dhammaanba mas’uuliyinta iyo odayaasha waxaa ay sheegen inay ku faraxsan-yihiin iman-shiyaha Garaad Cali Aadan Diini waxaana ay ugu warbixiyeen xaaladda guud ee gobolka.

20140604_130150

Garaad Cali Aadan Diini ayaa isna khudbad taarikhi ah oo u ka jeediyey kulan weynaha waxaa uu kaga hadley arrimo badan,waxaana uu sheegay inuu safar dheer ku soo kala bixiyey inta badan deegaannada  Puntland ee ku yaalla bariga fog,waxuuna uu tilmaamey inuu la soo shirey bulshada ku dhaqan deegaannada uu tagey.

…””‘Waad ku mahad-santihiin sida qurxoon ee ad caasumada noogu soo dhaweysen,waxaan soo marney deegaanno badan oo ka mid ah Puntland,ujeedkeno waxaa uu yahay sidii an ugu kur-gali lahayeen xaaladda,waxaana tageyna deegaannada ku yaalla gobolka Mudug,..”‘ayuu yiri Garaad Cali Aadan Diini.

Socdalka uu Garaad Cali Aadan Diini ku kala bixinayo deegaannada Puntland,waxaa uu qeyb ka yahay u kurgalida xaaladda dadka ku nool deegaannada,waxaana uu boqon doonno inta badan deegaannada gobolka Mudug.
20140602_132134 20140602_132144 20140602_132148 20140602_132151 20140604_130051 20140604_130057 20140604_130120 20140604_130145 20140604_130150 20140604_134044 20140604_135542 20140604_135547 20140604_135555 20140604_135558 20140604_171110 20140604_171607 20140604_175113 20140604_175120 DSC00349 DSC00350 DSC00356 DSC00361 DSC00363 DSC00364 DSC00370 DSC00371 DSC00377 DSC00386 DSC00388 DSC00390 DSC00399 DSC00403 DSC00411 DSC00415 DSC00416 DSC00423 DSC00431

____
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20329

Trending Articles