Garoowe{RBC RADIO}Magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa laga xusay maalinta Deeganka Aduunka ee 5 Jun, waxana soo qaban qaabisay xuska maanta wasaaradda Degaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland.
madaxwayne kuxigeenka Puntland, golaha wasiirada Xildhibaanada madaxda Hay\adaha Calamiga ah iyo Ururda kashaqeeya Arimaha deegaanka Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntlan Qaarkood ayaa kaqayb galay Xuska oo lagu Qabtya Xarunta Wasaaradda Deegaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Mudane Guuleed saalax Barre oo kahadlay Munaasbadda ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaaooyinka lagu hayo deegaanka iyo sida ay wasaradiisa ku doonayso inay wax uga qabato, horumarka 12 bilood ee soo socda ay doonayaan inay kasameeyaan dhanka beerista Dhirta iyo siday wax uga qabanayaan Xaalufka iyagoona ukaashanaya mashruuca lamagac baxay DEEGAANKA WAA NOLASHAAD.
Wasiir Guuleed ayaa daaha kaqaaday inay mudo sanad ah ku dhirayn doonaan Todobo magaalo oo Puntland ah, waxana uu sidoo kale sheegay wasiirku inay qorshayaal adag kaleeyihiin kahortagga dadka dhibka kuhaya deegaanka ee xaalufiya.
Madaxwayne kuxigenka Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camay ayaa kasheegay Munaasabadda Xuska Maalinta Deegaanka Aduunka inay awood kaga hortagayaandadka caadaystay dhibaatada ay ugaystaan deeganka, waxana uu cadeeyay inay xukuumad ahaan diyaar uyihiin kana go’antahay wax kaqabshada deegaanka Puntland.
in la ilaaliyi deegaanka si nolasha dadka iyo duunyaduba ay ugu noolaadaan nolal wanaasgan oo kadhisan Caafimaad ahaan iyo niyad ahaanba waxaan muujiyay dareenkaas Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdiraxmaan Shiikh Axmad Cabdulle iyo Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Aniso Cabdulqadir xaaji
madaxwayne kuxigenka ayaa sidoo kale kahalday boholaha kusiibaahaya meelo kamid ah miyiga deeganada Puntland iyo dhulka ladeegamaynayo waxana uu dhammaan tood kamuujiyay dayro.
Aduuna oo dhan ayaa sanad walba laga xusaa maalintan waxa looga tashadaa sida deegaanka wadan walba loo hagaajin lahaa, deeganada Puntland waxaa dhibaato kuhaysa gubidda Dhuxusha taasi oo deegaanka kadhigaysa mid aan lagu arag dhir, balse Xukuumadda Cusub ee Puntland oo uu hogaaminayo madaxwayne Gaas ayaa muujinaysa siday uga go’antahay kahortagga dhammaan waxyaabaha dhibaatyanaya Deeganka oo ay ugu darantahay gubidda Dhuxusha.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe