(RBC Radio) Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Guddiga madax bannaan ee Dastuurka oo ay dhawaan magacowday Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Guddiga madaxa bannaan ay dawladda Federaalku u magacowday arrimaha Dastuurka.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Haweenka Dawladda Puntland Marwo Caashe Geelle ay u mataleyso dhankooda Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha Federaalka.
Sidoo kale,wuxuu intaas ku daray in Guddiga madaxa bannaan looga baahanyahay in hawshooda u gutaan si madax bannaan si looga shaqeeyo danta Ummada.
Dhanka kale Madaxweynaha oo la weydiiyey waxa ka jira khilaaf la sheegayo in uu u dhaxeeyo isaga iyo Madaxweyne Kuxigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.
Wuxuuna sheegay in uusan jirin haba yaraatee wax khilaaf ah oo u dhaxeeya isaga iyo kuxigeenkiisa taasina ay tahay arrin aan waxba ka jirin.
Dhawaan dawladda Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaana Gollaha Wasiirada ayaa ansixiyey Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha Federaalka,waxaana kamid ah Xubnaha la magacaabay:
1. Marwo Caasho Geele Diiriye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji
Dawladda Federaalka ee Soomaaliya weli si faahfaahsan ugama aysan hadlin Xiriirka ay Puntland kala sameysay Guddigan madaxa bannaan ee Dastuurka iyo arrimaha Federaalka mana cada weli tallaabada ay Puntland qaadi doonto hadey ku qanci weydo hawsha Guddigan.
_________________
RBC Radio