Muqdisho [RBC Radio] Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya waxaa maanta ka ambabaxey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,waxuuna shir uga qeyb-galaya dalka Shiinaha .
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa la sheegay inuu ka qeyb-galayo shir ay wada-yeelanayan dalalka Carabta iyo Shiinaha.
Waxaa la sheegay shirka inuu furmayo maalinta Arbacada,waxaana looga hadlayaa arrimaha istiraatiijiyadda, wada shaqeynta iyo wax wada qabsiga Shiinaha iyo wadamada Carabta.
Wasiirka ayaa inta uusan ka ambabixin garoonka la hadlay saxaafadda isagoo ka warbixiyay safarkiisa, waxaana uu sheegay in dalka Shiinaha uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo iskaashiga wadamada carabta iyo Shiinaha, islamarkaana lagu dajinayo istiraatiijiyad ay ku wada shaqeyn karaan.
Beyle,waxaa uu xusay in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ay xukuumadda Beijing sida aadka ah u daneyneyso marka laga hadlayo fursadaha maalgashiga iyo iskaashiga.
Wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay kaalinteeda ka qaadato sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen Caalamka.
Ka qeyb-galka shirka waxaa lugu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalka ay wasaaradda arrimaha dibadda ugu jirto ka dhex muuqashada shirarka caalamiga ah.
___
RBC Radio