Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

IDaacadihii Puntland shaqada ka joojisay oo dib xoriyadooda u helay.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Warfaafinta Puntland  Maxamuud Caydiid Dirir oo Shir-saxaafadeed ku qabtay  Magaalada Garoowe Saacado ka hor ayaa sheegay in Puntland ay dib xoriyadooda u siisay Idaacadihii 3da ahaa ee shalay warqad shaqa joojoojin ah lagu soo saaray kadib markii ay idaacadahaasi u hogaansameen Awaamiirtii la faray oo markii hore ay ka dhaga adeegeen sida uu wasiirku yiri, wuxuunna cadeeyey in Idaacadahaasi laga bilaabo waqtigan ay xor yihiin.

 

Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in idaacadaha Daljir One- Nation- Radio iyo Codka-Nabada ay ka Madax adeegeen hirgelinta Amar ay soo saartay Wsaarada Warfaafinta kaasi oo ahaa in idaacadahan ay joojiyaan idaacadaha ay sida tooska ah usii daayaan ee kala ah ERGO,HIRAD iyo  Barkulan kuwaasi oo uu wasiirku sheegay in ay caadeysteen faafinta warar iyo barnaamijo lidi ku ah umada Puntland iyo Dowladoodaba sida uu sheegay Wasiirku, hase ahaatee Gorgortan gaaban kadib ay idaacaduhu aqbaleen in ay joojiyaan sii daynta idaacadahaasi sidaasina ay xoriyadooda dib ugu helaan ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Puntland Mudane Dirir.

 

Tan iyo markii Wareegtadan shaqada looga joojinayo Idaacadaha 3da ah  aysoo baxday ayaa waxaa cabmaareeyey Ururka Suxufiyinta ee Map iyo Nusoj waxaana sidoo kale soo 3daxeeyey Qaar ka mid ah Ururada siyaasada ee Puntland ka jira kuwaasi oo ku tilmaamay Go’aanka Xukuumada Puntland mid lagu deg degay, sida uu wasiirku sheegeyna hada xaalku waa uu daganyahay waxaana Wasaarada amniga iyo Taliska Ciidanka Puntland lagu wargeliyay in Idaacadahaasi ay dib hawada usoo geli karaan wallow Idaacada Daljir tan iyo intii Amarkaani uu soo baxay aysan marna hawada ka bixin.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles