War-Saxaafadeed.
Shirweynaha Dib u habeynta Garsoorka oo Maalintii Afaraad galay iyo Guddiyo booqdey Xabsiga dhexe iyo Maxkmadaha dalka.
Muqdisho-04-April-2013-Khamiis..
Guddiyadii ay iska dhex doorteen Ergada ka qeybgaleysa Shirweynaha heer Qaran ee ka wadatashiga Garsoorka ayaa maanta si saraaxad leh looga dooday Talooyin ay aragti ahaan u soo jeediyeen Guddiyadii Afarta ahaa ee loo xilsaaray inay kasoo talabixiyaan arrimo la xiriira qawaaniinta iyo qaab dhismeedka Garsoorka Soomaaliya kuwaasoo mudadii labada maalmood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen Guddiyada.
Sidoo kale Xubno ka tirsan Guddiyada matalaya Ergada ayaa maanta booqdey Xabsiga Dhexe ee xamar iyagoo warbixin ku saabsan xaaladda xabsiga iyo sida ay ula dhaqmaan maxaabiista ka dhageystay Taliyaha Ciidamada Asluubta iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe.
Guddiyadu waxa ay kormeereen Xarumaha ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha Gobolka Banaadir,Racfaanka iyo Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya,iyagoo warbixino ku saabsan sida ay u shaqeeyaan ay ka dhageysteen Guddoomiyeyaasha Maxkamadahaas.
Xubnaha Guddiyada oo warbixin Galabta siinayay Ergada ayaa sheegay in ay kusoo arkeen xafiisyada ay booqdeen ee Maxkmadaha burbur xooggan oo soo gaaray qalabka ay ku shaqeynayaan islamarkaana Guddiga loo sheegay in qalabka qaarkiis uu yahay qalabkii lagu shaqeynayay 22 Sano ka hor.
Gebagebada Shirka oo ku began Maalinta Jimcada oo ay taariikhdu ku beegantahay 5th April 2013 ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ay u dhanyihiin dhammaan Ergada mataleysa Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgaleysa Shirweynaha.
Dhammaad.