Garoowe (RBC RADIO) Xukuumada Puntland ayaa loogu baaqay in ay joojiso kana laabato Go’aanada ay shaqada kaga joojisay Idaacadaha Codka-Nabada, Daljir, iyo one Nation Radio,taasoo lagu tilmaamay xad gudub aan geed loogu soo gaban oo saxaafada lagu sameeyey iyagoon waliba waxba galabsan sida ay xuseen Ururada Midnimo iyo Udad oo Maanta kulan ay si wada jir ah u qabteen ku cadeeyey in ay qaadeceen kana bexeen ka mid noqoshada iyo ka qayb galka Doorashooyinka Dowladaha hoose ee Magaalada Garoowe.
Siciid Faarax (Sanweyne) oo ah Gudoomiyaha UDAD ayaa mar uu matalayay 2da Urur wuxuu sheegay in aan loo dulqaadan Karin Xadgudubka iyo caburinta lagu hayo Saxaafada loona baahanyahay in Xoriyadooda loo soo celsho idaacadaha shaqada laga joojiyay maadaama ay qudhooda duruuf adag ku shaqeynayaan sidaa darteed Dowladu ha fasaxdo Saxaafada hana ka qaado culeyska iyo caga jugleynta ayuu yiri Siciid Faarax Gudoomiyaha Udad.
Shalay ayeey ahayd markii la shaaciyay in Dowlada Puntland ay shaqadii ka joojisay Idaacadaha Daljir one-Nation-Radio iyo Codka Nabada kadib markii ay u hogaansami waayeen Awaamiir horay loo faray oo ahayd in ay joojiyaan idaacadaha ay sii daayaan kuwaasi oo Puntland u aragtay in aysan ka shaqeeneyn danaha Dadka iyo Dalka Puntland sida Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Faroole ay ku Andacootay.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.