ISWAAFAJINTA MAWQIFKA DAWLADDA IYO SHIRKA JUBBOOYINKA
Abdi Guled Mohamed
abdiguled@hotmail.com
Abriil 03 2013
Walaaltinnimadii, Soomaalinimadii, Qarannimadii iyo Dawladnimadii aan koonfurta Soomaaliya ka raadinaynay mudada dheer, ifafaalaheedii waxaan ku aragnay Kismaayo dhawrkii maalmood ee ay joogeen wafdigii ka socday dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayey R/Wasaare Shirdoon; mahadaasna waxaa leh, Allah SWT, “waase intaas oo looga sii dhawadaa”. Haddaba akhrstow: FADLAN INTAADAN ORAAHDAN LA YAABIN AKHRI MACANAHA ILAA AAD DHAMMAYSO.
WAXAAN KU BILAABAY MAGACA EEBBBE SWT EE NAXARIIS GUUD MID GAAR- BA NAXARIISTA. NABADGALYO IYO NAXARIISTA EEBBANA NABAIGA SUUBBAN KORKIISA HA AHAADEEN.
Intaas Kadib:
Macnaha Arrinta kor ku xusan waa sidan:
A. DHINACA DAWLADDA
1. Waxaa wax lugu farxo ah, kala-danbaynta iyo isku-duubnida ay muujiyeen wafdigii dalwadda ka socday, iyo sida ay hal mawqif uga soo wada jeesteen, ayagoo haybtoodu tahay wafdiga dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaliya, iyo sida ay u ilaashadeen magacii umadda Soomaaliyeed ee ay huwanaayeen. Waxaan sidoo kale ku farxay sida xushmadda iyo nabad-galyada leh ee ay ku joogeen Kismaayo, tan iyo intii ay hawlahooda wateen;
2. Waxaa wax lugu farxo ah, sida ay ugu mahad-celiyeen, una ammaaneen, Shacbigii iyo mas’uuliyiintii, sida nabad-galyada ah, oo heerka sare ah u soo dhaweeyey, una marti galiyey, intay joogeen, dabadeedna u sagoontiyey makay baxayeen, arrintaas oo R/Wasaaruhu maqal iyo muuqaalba ku qiray, ku soo noqoshadiisa Xamar kadib. “Waxaan rabaa inaan cadeeyo, inaanu maqsuudka nahay sidii Kismaayo naloogu soo dhoweeyey, iyo sidii naloo soo sagootiyay, waxaana noo xaqiiqowday in dadka Kismaayo ku nool oo duruuf adag iyo taariikh dagaal sokeeye soo maray inay diyaar u yihiin inay dawladdooda daba istaagaan oo ay qeyb ka qaataan horumarada socda” (R/Wasaare Shirdoon)
INTAAS KADIB:
3. Safarku, wuxuu, Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinkaba u ahaa fursad qaali ah iyo bandhig-siyaasadeed oo caalami ah. Maxaa yeelay, adduunku wuxuu arkay, aadna u qiimaynayaa, in dawladdii oo xubno badan ka kooban, uuna hoggaaminayo R/wasaarihii, ay safar ku tagtay, kuna joogtay asbuuc ku dhawaad magaaladdii Soomaaliya ugu xasaradda badnayd ee Kismaayo. Arrintaas waxaan oran karnaa, waa markii ugu horraysay ee, xubno intaas le’eg oo, xilalka ilaa heerkaas ah haya, ay gaaraan Kismaayo, luguna soo dhaweeyo, tan iyo intii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay dhacday, 1991. Marka adduunku gaar, ahaan kuwa dawladdu ku tiirsan-tahay ee “deeq-bixiyeyaasha” loo yaqaanno, waxay dareemayaan, in dawladdu horumar lixaad leh oo xagga aqoonsiga ah ay samaynayso, halka wufuuddii xukuumadihhii ka horreeyey lala dagaalami jiray. Markaas dawladaha deeqda bixiyaa, way sababayn karaan mucaawinda ay bixinayaan.
Sidoo kale, shacabka jubbooyinkana, waxaa loo arkayaa, dad ayagoo qabaa’ilo badan ka kooban, gogol nabadeed fadhiya oo, wada hadlaya, oo inay maamul samaystaan doonaya. Arrintaasi waa wixii Ilaahay laga baryayey, umadda Soomaaliyeed, lugula dadaalayey dhawr iyo labaatan sano. Haddaba, wafdigii halkaas tegey guul ayey dawladda u soo hooyeen; “WAASE INTAAS OO LOOGA SII DHAADAA”.
4. Xaqiiqdii, lafa-gur kadib, haddii aan nahay kuwa ku shukrinaya nimcada eebbe, wax wanaagsan ayaa Kismaayo ka dhacay (waa daahirka ee uurka Allah ayaa og), marka loo fiiriyo xaaladihii ay ku sugnayd 22kii sano ee lasoo dhaafay iyo waxyaabihii ka dhici jiray
B. SHACBIGA IYO MAS’UULIYIINTA JUBBOOYINKA EE GOGASHA DHIGAY.
1. Kismaayo oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn koonfurta Soomaaliya, waxay ahayd magaalada ugu dhibaatada badan Soomaaliya oo dhan, tan markii xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya ay dhacday 1991, marka laga reebo caasimadda, taasna waxaa tusaale u ah inta jeer ee dagaal ka dhacay, inta dad ku dhintay iyo inta jeer ee gacan-ku-haynteedu is-baddashay. Haddaba, magaaladii sidaas ahayd oo gogol (shir) dawlad-goboleed loogu samaynayo taallo, ayna fadhiyaan dad Soomaaliyeed oo badan oo beelo kala duwan ka soo jeeda, ayna ka mid yihiin beelihii ku dagaalami jiray, ayadoo, waliba gobollo kale ku lammaansan yihiin, waa arrin cidkasta oo Soomaaliya wanaageeda iyo nabadeeda rabtaa ku faraxdo, Allahna loogu shukriyo. Dadka arrintaas u dhabar-adaygayna bogaadin ayey mudan yihiin.
“LAAKIIN WAA INTAAS OO LOOGA SII DHAWADAA” oo turxaan kasta iyo caqabad kasta laga saaraa, dadkana loo xaq sooraa, samir aan dhammaanayna, loo yeeshaa.
2. Gogosha la dhigay iyo shirka wada-hadalka ee Kismaayo ka furmay, labaduba waa tallaabooyin wanaagsan, laakiin waxaa loo baahan yahay in fursadaas laga faa’iidaysto, oo inta guul deg-deg ah, ama dan deg-deg ah la raadiyo aan arrintii la bur-burin, himaladii dadku qabayna aysan halkaas ku baabi’in. Waa inaysan arrintu noqon:
cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyey! Ee ay noqotaa: Wixii cuni iyo wixii calaf ku leh Allow nabadeenni soo celi! Oo dadka Soomaaliyeed meeluu joogaba loo daneeyaa. Illeen beela isku-hayb ah kaliya hawshaan malehee!
3. Gogosha haddii waqti fiican la siiyo, dadkuna ku wada hadlaan, cid wlaba oo degaankaas ka tirsanna xuquuqdeeda loo tixagaliyo, waxay noqnaysaa taariikhdii ugu horraysay ee nooceeda ah ee, koonfurta Soomaaliya abid ka dhacda, tan iyo bur-burkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.
4. Is-mari-waaga ka dhex oogmay shacbiga shirka jubbooyinka fadhiya oo maamulka KMG ah ee Kismaayo uu hoggaaminayo iyo xukuumadda, waa mid laga gudbi karo, oo xal loo heli karo, maxaa yeelay, danta guud ee umadda iyo himilada la higsanyo ayaa aad u weyn. Waxaa habboon inaan dawladdu ka caroon shacabkeedii oo gogol-wadhadal, oo nabadeed fadhiya. Waa la doodi karaa, si kulul ama si qabaw, laakiin duruufta Soomaaliya ka jirta ma saamixi karto in dawladdu shacabkii shirka uga baxdo, ayna tiraahdo wadahadalkii waa fashilmay. Sida laga xigtay wasiirka arrimaha gudaha.
“Negotiations between Somali federal government and Kismayo interim administration hit a deadlock” said Mr. Abdikarim. He pointed out that his government made many sacrifices for it’s constitutional rights in order to break the deadlock and accused the interim administration for not doing enough to reach a political settlement.” (oo macnaheedu yahay; wadahadalladii u dhexeeyey dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo, waxaa isku-gudubtay caqabad; Sidaas waxaa yiri Md. C/Kariim Guuleed. Waxuu tilmaamay in dawladdiisu ay hurtay xuquuq badan oo dastuuri ah, si ay isugu daydo in laga gudbo cakirraanta. Wuxuu markaas maaulka KMG ah ku eedeeyey is-mariwaaga iyo inaysan samynayn dadaal ku filan sidii looga gudbi lahaa is-mari-waaga). Haddaba, danta laga shaqaynayaa waa mid guud oo hadba talo rog-rog u baahan.
5. Haddaan hoos ugu degno is-mari-waaga dawladdu dastuuriga ku macnaysay; horta arrintaas caddayn aan mugdi ku jirin ayey u baahan tahay. Xataa haddii ay caddahay, oo khalad jiro, ma saamixi karto in la kala caroodo, ee,
“Waa in la yiraahdaa suunka xalaasha ah caanaha nooga bixiya” . Maxaa yeelay haddii la kala tago, waxaa ku xiga waa dagaal iyo colaad soo celin kara in Kismaayo iyo gobolladaasi taariikhdoodii mugdiga ahayd ee muddada dheer socotay ku noqdaan; ilaahayse saas kama dhigo, oo xanuunkaas ma soo celiyo insha’allah.
6. Dastuurka laftiisa:
a. Ayadoo markasta ay tahay in la ixtiraamo qawaaniinta umaddu degsato, Waxay ahayd sideed bilood ka hor markii dastuurka Federaalka Soomaaliya la ansixyey, ayna ansixiyeen oday-dhaqameedyada Soomaaliyeed, oo qaarkood gogosha Kismaayo taalla fadhiyaan. Haddaba, ayagoo sii amabaqaadaya hawlahoodii dhaqanka oo, ayaguna dastuuri ah, dhammaystirayna xasilinta iyo nabadaynta Soomaaliya, ayey gogoshaan dhigeen, sidaas awgeed, gogosha wada-hadalka, nabadaynta iyo maamul-dhisiddu waxay waafaqsan tahay Dastuurka, ayadaana marjic u ah dastuurka, waxayna la mi tahay tii dawladda hadda jirta lugu soo dhisay.
b. Dastuur kasta oo dal loosamaynayo wuxuu ka kooban yahay, dhaqanka umadda intiisa fiican, waxyaabaha rumaysan yyihiin sida diintooda iyo baahida markaas taagan. Sidaas daraadeed Diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin dastuur kasta oo dalka loo smaynayo ama qayb ka mid ah loo samaynayo;
c. Dhinaca kale gogosha iyo wada-hadalka iyo xallinta khilaafaadka iyo maamul-dhisidda, waxay ka mid yihiin shurucda aasaasiga ah ee dhaqanka, oo lugu magacaabo (customary law).
d. Dastuurka laftiisa, waxaa lugu heshiiyey inuu marjiciisu yahay “DIINTA ISLAAMKA” illeen dad muslim ah ayeynu nahaye. Diinta Islaamka dhexdeeda iyo qawaaniinta caalamiga ahba; sulxigu wuxuu ka mid yahay qodobbada aasaasiga ah ee jiritaanka basharka ugu muhiimsan, sidaas awgeed, dastuurku, kama hor-imaan karo, Diinta Isaamka.
e. Soomaaliya bur-burkii kadib, weli cagaheeda kuma istaagin, oo weli ma xasilin, nabadgalyo buuxdana ma helin, laakiin insha’allah waan u soconnaa:
- Waa sababtaas awgeed, waxa dastuurka Federaalka ah ay u ansixiyeen 800-1000 qof oo kaliya, ayagoo matalaya 10 ilaa 15 milyan oo qof.
- Waa sababtaas awgeed, waxa madaxweynaha ay u doorteen 275 qof oo kaliya ayagoo matalaya isla intaas;
- Waa sababtaas awgeed waxa, dastuurka loogu magacaabay mid KMG ah;
- Waa sababtaas awgeed, waxa, adduunku ugu dhibaatooday, isuguna dhabar-jabiyey, inuu Soomaaliya oo nabada ah oo, dawlad ah, xorna ah, ugu soo celiyo beesha caalamka dhexdeeda.
- Sidaas daraadeed, waxaa loo baahan yahay inaan isu dul-qaadanno, dawlad iyo shacabba. Haddaan saas la yeelin, waxaan kulli wada oganahay inaan dawlad kaliya aysan dhibaatada Soomaaliya taalla xallin karin.
GEBO-GABADII, WAXAAN KU TALINAYAA
- In la soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dawladda iyo shirweynaha;
- In dawladdu ay shirka ku soo noqoto, oo si furcaddi ah u hagto, shacabka wax dhisanayana ay ku garab-istaagto hawsha adag ee ay ku jiraan,
- In dawladdu u kala xaq-soorto, dadka wax-wada dhisanaya, haddii ay is-dulmiyaan, oo ay ciyaartaa, dawrkii dhex-dhexaadiyaha, ayna ka shaqaysaa siduu shirku mira-dhal ku noqon lahaa.
- In dawladdu taageero dhaqaale la garab-istaagto, shirweynaha iyo waxa ka soo baxaya labadaba, haddii aysan awoodinna ay caalamka uga raadisaa;
- Waxaan hubaa in dawladdu ogtahay, haddii dadku gogol wada-hadal sameeyaan, oo nabadayn iyo Soomaalinnimo la soo celiyo, in arrintaasi ay tahay dawladda oo, hawsheedii loo fududeeyey;
- Waxaan cidwalba oo arrintaan khusayso, uga digayaa in dagaal uu ka dhaco deegaankaas, maxaa yeelay arrintaas cawaaqib-xumada ka timaadda waxay saamayn ku yeelanaysaa Soomaaliya oo dhan gaar ahaan gobollada kuufureed. .
Wa billahi Tawfiiq
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM