Garoowe (RBC) Sida ay Raxanreeb u sheegeen ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garowe, waxaa kulankii golaha wasiirada ee maamulka ay maanta yeesheen looga hadlay saddex idacadood oo ka hawlgala deegaanada Puntland kuwaasoo la sheegay inay jebiyeen amar uu maamulku dhowaan soo saaray.
Shirka golaha wasiirada waxaa maanta gudoominayey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyadoo uu sidoo kale fadhiyey madaxweyne ku xigeenka C/samad Cali Shire.
Wasiirka warfaafinta Puntland Caydiid ayaa keenay shirka arrinta saddexda idaacadood ee kala ah; Radio Daljir, Codka Nabadda iyo One Nation Radio oo ka hawlgala magaalooyinka Puntland kuwaasoo uu wasiirku sheegay inay weli baahiyaan idaacado ay mamnuuceen dhageysigooda.
Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa 15-kii bishii dhammaatay soo saartay amar ay ku fareyso idaacadaha ku yaalla gudaha Puntland inaaney baahin karin saddex idaacadood oo kala ah; Radio Bar-Kulan oo ay Qaramada Midoobay taageerto, Radio Ergo oo arrimaha bani’aadanimada ka hadla ayna leedahay Qaramada Midoobay iyo Radio Hirad oo ah barnaamij ay leedahay hay’adda Free Press Unlimited oo laga leeyahay dalka Holland balse xarun ku leh magaalada Hargeysa. Idaacadahaasi la joojiyey ayaa waxay sii dhexmaraan oo dadku ka dhageystaan idaacadaha maxalliga ee ku yaalla magaalooyinka Puntland. HALKAN KA AKHRI AMARKA
Amarkaasi ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa daba socday qoraal qabyo ah oo looga dalbanayey dhammaan warbaahinta inay lacago canshuur iyo diiwaangelin isugu jirta ay siiyaan maamulka Puntland. Hase yeeshee amarkaasi ayaan illaa hadda fulin.
Madaxweyne Faroole oo amarsiiyey wasiirkiisa warfaafinta
Sida ilo wareed aan rabin inaan xigano magaciisa uu u sheegay Raxanreeb, wuxuu madaxweyne Faroole amray wasiirkiisa warfaafinta inuu deg deg u demiyo dhammaan idaacadaha lagu eedeeyay inay weli baahiyaan idaacadaha la mamnuucay. Waxaana caawa war naga soo gaaray wasiirka warfaafinta Puntland uu sheegayaa in wasiirku wado diyaarinta qoraal wareegto oo lagu deminayo saddex idaacadood ee kala ah Radio Daljir, Codka Nabadda iyo One Nation Radio.
Sidoo kale mid ka mid ah taliyaasha booliska ee Boosaaso ayaa Raxanreeb telefoonka ugu sheegay in maanta la soo faray in marka amarka lagi deminayo idaacadahan maxalliga ah uu soo baxo uu fuliyo isla markaana uu hawada ka saaro idaacadaha xarumaha ku leh magaalada Boosaaso. Amaro noocaasi oo kale ayaa la gaarsiiyey gobollada kale ee maamulku ka arimiyo ee ay idaacaduhuna ku yaallaan ama xafiisyada ku leeyihiin.
Doodan golaha wasiirada maanta ka yeesheen idaacadaha maxalliga ahg ee ka hawkgala gobolka ayaa imaaneysa maalin ka dib markii la isku mariwaayey shir ay wada yeesheen xisbiga Horseed ee madaxweyne Faroole iyo xukuumadiisa dhisteen iyo xisbiyada kale, kaasoo looga hadlay hindise Faroole soo jeediyey oo ahaa in qodobada dastuurka cusub ee Puntland ku jira ee ku saabaan diiwaangelunta dadweynaha ee doorashada la bedelo. Taasoo axsaabtuna ay diideen isla markaana warbaahintu si weyn uga hadashay. HALKAN KA AKHRI KULANKA
Malyuun Cali
Xafiiska Wararka Nairobi