Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faahfaahin: Heshiiskii Ahlusuna-da Gedo Iyo Dawlada Federaalka Dhexmaray oo La Shaaciyey [Akhriso Qodobada]

$
0
0

Muqdisho (RBC) War saxaafadeed ay galabta shaacisay wasaaradda gaashaandhigga dawlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyey heshiis dhexmaray kooxda Ahlusuna ee gobolka Gedo iyo wasaaradda gaashaandhiga kaasoo ku saabsan maleeshiyaadka Ahlusuna ay heysato.

Wasiirka gaashaandhigga dawlada federaalka Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo dhanka dawlada u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in iyaga iyo kooxda Ahlusuna ay isku afgarteen shan qodob oo sal u noqonaya mustaqbalka maleeshiyaadka ay heystaan Ahlusuna qeybtooda gobolka Gedo kuwaasoo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab ee ku xiran Al Qaacida.

QODOBADA HESHIISKA

1) In Ahlu Sunna Wal Jamaaca loo mahadceliyo, lana aqoonsado halgankoodii dheeraa ee ay usoo galeen in gobollada Koonfur Galbeed laga xoreeeyo Khawaarijta Al-Shabaab.

2) In ciidammada Ahlu Sunna iyo Saraakiishooda la qarameeyo oo ay si rasmi ah uga mid noqdaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

3) In qalabka iyo gaadiidka Ahlu Sunna lagusoo wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

4) In la daryeelo agoontii ay ka geeriyoodeen halgamayaashii ka tirsanaa Ahlu Sunna ee naftooda u huray halganka khawaarijta .

5) In la magacaabo gudi farsamo oo ka kooban labada dhinac si ay heshiiskaan u hirgeliyaan.

Heshiiskan waxaa si rasmi ah labada dhinac ay ugu saxiixdeen magaalada Garbahaarey oo booqasho shaqo ay ku tageen wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo raysul wasaaraha dawlada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Dhanka Ahlusuna waxaa heshiiskan u saxiixay saddex sarkaal oo kala ah;

1) Sheekh C/raxmaan Axmed Amiin ( Kusimaha Gudoomiyaha Ahlu Sunna Koonfur Galbeed)

2) Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi (afhayeenka Ahlu Sunna koonfur Galbeed)

3) Taliyaha Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii labaad oo ay sanadkan gudihiisa xukuumadda raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon la gasho kooxda Ahlusuna, iyadoo heshiis kan ka horeeyay ay labada dhinac ku saxiixdeen gobolka Galgaduud oo ah xarunta ugu weyn ee dhaqdhaqaaqa Ahlusuna degan yahay.

IMG_6109 (2) IMG_6065 (2) IMG_6058 (2) IMG_6038 (2) IMG_6013 (2) IMG_6012 (2) IMG_5995 (2) IMG_5911 (2)

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles