Muqdisho(RBC Radio) Wararka ka imaanaya deegaanka Tabbeelaha Sheekh Aadan ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in maanta halkaas uu ka kacay dab aad u weyn kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyeed,dabka ayaa la sheegay in uu ka bilowday Dhinbil dab ah oo kasoo duushay Burjiko taalay ilinka mid ka mid ahaqadala ka samaysan cooshadaha iyo bacaha xeryaha barakacayaasha ku yaala deegaankaas taasoo la sheegay iney qabsatay aqalkii.
Dabkaa ayaa intaa kadib ku faafay guryihii kale ee ku yaalay xerada barakacayaasha kuwaas oo iyagune ka samaysnaa cooshado iyo baco la isku keen keenay waxaana dabkaasi ku dhintay ruux oo la sheegay inuu ahaa ilmo yar oo sano jir ah kaasoo ku gubtay guri ka mid ah guryihii dabkaas ku basbeelay.
Waxaana sidoo kale kun dhaawacmay dabkaas 2 ruux oo kale halka ay ku basbeeleen boqolaal guri oo kamid ahaa aqalada ay ku noolaayeen dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqnaa xerada uu dabku ka kacay oo ku taala duleedka Galbeed ee magaalada Muqdisho inta u dhaxaysa KM-13 iyo Ex-Control Afgooye.
C/kariin Barre oo ah gudoomiyaha xerada barakaca ee maanta uu dabku ka kacay ayaa warbaahinta u sheegay in dabkaasi uu bilowday saaka 8:00 subaxnimo isagoona tilmaamay in dabka damintiisu ay ku qaadatay ilaa 2 saacadooda,isagoona sheegay in dadka ku nool kaamka ay markii danbe ku guuleysteen daminta dabkaas oo waxyeelo badan gaarsiiyey dadkii tabaaleysnaa ee ku dhaqnaa xeradaas,wuxuuna codsaday in gargaar deg deg ah dadkaas lala soo gaaro.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho