WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA PUNTLAND DR C/RAXMAAN FAROOLE.
Abukar Awale ( Qaad Diid )
abukar_aw@yahoo.co.uk
Maarso 05 2013
Mudane Madaxweyne waxaan marka hore waxaan kugu salaamayaa salaanta islaanka salaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu,marka xiga waxaan kugu amaanayaa kuguna soo dhaweynayaa dhiiranaantaada, kartidaada iyo dhabar adaygaaga iyadoo ay jireen mucaaradyo iyo niman xildoon ah kuwo hunguri galay iyo kuwo kale oo isu arkayey, ilaa hadana isu arka inay puntland danteeda iyo mustaqbalkeeda badbnaadinayaan, intaas ayaa waxaa kuu dheeraa weriyayaal cod dheer aniguba aan ugu horeeyee iyo barnaamijkii puntland iyo Maanta oo aan u aragnay xiligaas inuu ahaa mid tilmaamaya tubta toosan, ( Waa Sida aan is niriye ) intaasna ayaa waxaa kuu sii dheeraa xaalada guud ee deriska iyo Soomaaliweyn Sidii loola dhaqmi lahaa ,loola xisaabtami lahgaa , loo hagi lahaa, loo tilmaami lahaa hadii loobaahdo , hangool laba garood lehna laysaga qabto markuu xadgudub yimaado.
Waxaan ku dhiiran karaa oo aan oranayaa waxaad si cad-cad ugu baastay imtixaano badan oo ku soo maray intii aad jagada Madaxweyenimo haysay, kartida , geesinimada iyo dhabar agdayga aad muujisayna waa mida lagu qiimeeyo Hogaamiyaha dhabta ah , hadii aan aragtidayda siyaasadeed tilmaamana waxaan isleeyahay Puntland waxaa Soo food saari doona Marxalado Cul-culus oo dano badan laga leeyahay lana tijaabin doono doorka ay ka cayaari doonto fedaraalismka , maamul usamaynta gobalada ay danta wadagaan Puntland IWM. Marxaladahaad ad-adag oo u baahan khibrad siyaasadeed oo qoto dheer ,iyo kawarqab xaalada guud iyo mida gaar u ah Puntland iyo xirfadaha aad shaqsi ahaan u leedahay oo aan kor kusoo xusay oo ay kamid yihiin, geesinimo , dhabar adayg , iyo nin ku dhiirada waxa uu aaminsanyahay, Kana gaban oo aan cidna u joojin haday dacar ka qaraartahayna intaas marka laysku daro anigu shaqsi ahaan uma jeedo ilaa hada cidkale oo Horseed uga Haboon inay Hogaanka sii hayso.
Hadaan intaas uga gudbo oraahdayda iyo afeeftayda hore oo aan u dhaadhaco u jeedada qoraalkayga oo ahayn mid aan kuugu sacabinayo oo kaliya ee ay jirto ujeedo kale oo aan warqadaan kuugu soo diray.
Soomaalida reer Koonfurta ah ayaa waxay ku maah-maahdaa ( Abkay dooli diloow dad nool maas u daahaa ) oo macnaheedu yahay ninka intaas oo marxaladood oo midba mida kale ka adagtahay Soo martay kana gudbay , Miyuusan dhibaatada Qaadka cuna wax ka Qaban Karin.
Mudane madaxweyne kartidaas aan kor kusoo xardhay iyo anigoo og labadayda dhagoodna ku maqlay Mowqifka aad Qaadka ka taagan tahay ,ayaan waxaan isleeyahay amuuba madax weynaha Puntland yahay masuulkii u horeeyey oo qaad wax ka qaban kara iyadoo ay jireen waraaqo kale oo aan u diray Madaxweynaha dowlada Federaalka Mudane xasan Sheekh iyo Sidoo kale soomaaliland oo aan siyaalo kale fariimo ugu dirayba ilaa hada mahayo Geesi ku dhiirada oo wax ka qabta arintaas, inay Itoobiya iyo Kenya indho kulul ku eegi doonaan ninkii qaad soo hadal qaada shaki iigama jiro hadana waxaan is iri hadii NIN maya oran kara madaxweyne faroole ayaa jira.
Waxaa kaloo iga xasuusin ah in Miisaaniyad sanadeedka puntland ay ka badan tahay lacagta doolarka ah oo diyaaradaha lagu raro maalin walba iyadoo aysan marnaba ogoleyn Dowladaha Qaadka Keensada in dalkooda loo dhoofiyo qayraadka Puntland oo ugu horeeyo kaluunku waa sida ay aduunyadu wax ku kala badashaan oo afka qalaad lagu yiraahdo ( Business Exchange )
Waxay kaloo aduunyadu maanta ku tartantaa waxa afka qalaad loo yaqaan (invest on figure) oo ah in wadan waliba Soo saaro dhalinyaro leh waxbarasho tayo leh kuwaasoo ilaa yaraantooda loo carbiyo loona tababaro inay noqdaan hogaamiyayaashii berito .
Iskastoo la oran karo Puntland waxaa kajirta waxbarasho fiican wayna jiraan arday dadaalaysa oo hiigsanaysa mustaqbal fiican ayaa hadana waxaa meesha kamaqnayn dhibaatada dhabarjabinta leh ee uu qaadku ku hayo dhalinyarada Puntlanmd oo ah Mustaqbalkii Puntland , wadanku hadii uu soo saaro dhalinyaro qaadiraysana wuxuu yeelanaya mustaqbal madoow.
Waxaa kaloo tix gelin WEYN mudan dardaarankii Ilaahey ha u naxariistee halgamaa maxamed saalax dheer ( Xaaji ladane) oo wadanka kala dardaarmay in lala dagaalamo Qaadka oo sal u ah ciribtirka dhaqanka, dhaqaalaha iyo baabi’inta jiilka soo koraya waa siduu hadalka u dhigaye halgamaaguye Ilaaheey janatul fardoowsa ha ka waraabiyee.
Mudane Madaxweyne waxaan kugu dhiiro gelinayaa inaad arintaas aad fool ka fool u wajahdid oo aad si cilmiyeysan gudi u saartid sidii looga hortegi lahaa dhibaatada qaadka mustaqbalka dhow iyo midka fogba.
Waxyaalaha talada lagu darsan karo waxaa kamida in laga wasaarada arimaha guduhu soo saarto go’aano ka dhan inaan faras magaalaha qaad lagu agadi Karin , in loo sameeyo xeryo gooniya oo lagu gado Qaadka loona bixiyo ( Qaylo Badan )
Arintaas oo keeni karta inay bilicda magaaladu fiicnaato oo uu yaraado qashinka , saxmada, jeebsiibka, dagaalada iyo magaalao joogxumada ka dhacda meelaha qaadka lagu gado.
In Amar buuxa laga Soo saaro inaan dhalinyarada aan qaan gaarin qaadka laga gadi Karin,in masuuliyiinta , xildhibaanada, wasiiraradu ay noqdaan kuwo ku dayasho mudan oo dhalinyarad u noqon kara dad ay ku dayan karaan, iskana daayaan wax yaalaha xun-xun oo dhan oo kow ka yahay qaadka.
Dhanka kalana in wasaarada caafimaadka iyo arimaha guduhu iska kaashadaan mashruuc looga wacyi gelinayo bulshada dhibaatooyinka uu qaadku keeni karo caafimaad ahaan iyo burburka qoyska iyo bulshada.Sidoo kale in ladhiso hay’ad wacyigelineed oo kashaqaysa arintaan oo si joogta ah u daabacda qoraalo ,dacaayado, bixisana siminaaro, ( drug Awareness programs ).
waxaan kaloon halkaan ka cadaynayaa in hadii alle idmo aan ku soo wajahnahay xiliga fasaxayga Puntland halkasoo aan marti qaad ka helay Jaamacada bariga Africa ee Boosaaso, oo aan kabilaabi doono Socdaalkayga aan jeclahay inaan barnaamijyo isdaba jooga oo waxyigelinta dhibaatada qaadka aan ku soo bandhigi doono goobo badan oo kuyaala Puntland.
Ugu danbayntii Dowlada Puntland waxaan ugu baaqayaa hadii ay doonayso nin indho adag oo qibrad u leh la dagaalanka qaadka ( the New Jaamac Guulwade in Puntland ) jagadaas diyaarbaan u ahay inaan u tartamo .
Abukar Awale ( Qaad Diid )
Gudoomiyaha la dagaalanka Qaadka.
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM