Taariikhdu Waa Tilmaam Aan Tirtirmin
Abdirahman Moxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Maarso 05 2013
Taariikhdu waa inoo musbaax, maanka caawimoe’
Adoo male gudaayaad yaqiin, marar ku gaadhaaye,
Makaankaaga waa in aad taqaan, meelba waxa yaala—–Aadan Xaaji Afqallooc
Murti baa waxay ahayd, taariikhdu waxbay hagtaa, dadkuna wuu haybsadaa, adduunkuna waa hayaan, hogaankuna waa cilmiga. Been ma sheegto taariikdu, mana duugowdo. Waa ma guuraan aan muran galin. Waa maangal iyo marag ma doonto. Waa ilays la iftiinsado. Waa kaydka dhacdooyinka iyo xusuusaha. Waxay u tahay tusmo waxa tagay, waxa taagan iyo timaadada intaba. Qofkii damca inuu ka been sheegana wuu ku hungoobaa, waayo wuxuu la mid yahay qof qorax soo baxday sacabada saaraya oo kale.
Taariikhdu way diwaan gashantahay, waana la diwaan galiyaa si loo darso. Waa la akhriyaa, lana qaybaa si aan loo qaloocin. Waa la wariyaa, lana weheshadaa si waayo aragnimo looga dhaxlo. Waa tusmada nolosha iyo tilmaam aan tirtirmin.
Taariikhdu rag bay soo saartaa oo ay saramarisaa. Kuwaas oo miisaal u noqda san ku neeflaha intiisa kale. Kuwa kalena waa dullaysaa, dhulkana ka hoos marisaa. Oo hadhow waxaa la arkaa iyagoo baal mugdi ah ka galay sooyaalka taariikhda.
Taariikhda Islaamka iyo mida Soomaaliyeedba baal cad ayeey ka galeen culumo badan oo uu ka mid yahay Sheekh C/Qadir Nuur Faarax AUN. Waxay ku soo kordhiyeen carriga Soomaaliyeed hormar iyo hanaan dacwadeed oo aan horay loogu arag. Waxay la yimaadeen hanweyn iyo hiraal fog. Taas oo u fududaysay hirgalinta himiladooda dacawiga ahaa. Waxay la yimaadeen hawlkarnimo lagaga hagabtirayo bulshada Soomaaliyeed baahidii diineed ee in badan haysatay. Culumadu waxay la yimaadeen garasho fog iyo xikmad qoto dheer oo ay ku salaynayaan juhdigoodii dacwadeed. Waxaadba malaysaa
in ay ku ducaysan jireen:
“Rabbow Garashada Haboon,
Rabbow Xigmadaha gudboon,
Rabbow guulaha adduun,
Rabbow gulufyada danbeeto iyo,
Jannatul Firwosa nagu gunnee”—- Maxamed CabdiCaziiz Bootaan
Culumadu, waxay hadh iyo habeenba u taagnaayeen gudashada waajibaadkooda dacawiga ahaa ee ka saarnaa dadka iyo diinta. Cilmiga iyo cashar bixinta calaamad ayeey u ahayd, oo kama aysan daali jirin cawo iyo ayaanba. Waanada iyo wacdigana si waafi ah ayeey u joogteen jireen. Waxaa gacmahooda ku aflaxay kumanaan kun oo arday ah. Kuwaas oo daafaha adduunka ku kala nool maanta. Yoolkoodu wuxuu ahaa mid kaliya; in ay manhajka saxa ah carriga Soomaaliyeed wada gaarsiiyaan.
Taariikhdu waxay sidoo kale tibaaxaysaa culumo badan in loo laayay faafinta dacwada. Culumadani waxay ka hor mariyeen danahoodii khaaska ahaa difaacida diinta Alle, iyagoo si cad ugu badheedhay xaqa in ay sheegaan, kana hor yimid beentii iyo baadilkii uu maamulkii waagaa jiray dadka ku amray in ay qaataan. Waxaa muhiim ah in aan xusuusnaano xaalkii waagaas aan ku jirnay iyo xaalka maanta aan ku jirno sida ay u kala duwanyihiin. Waxaa adag in lugu arko carri Soomaaliyeed maanta shaqsi caayaya ama diidaya xukmi Alle uu jideeyay. Haddii la arkana waxaa hubaal ah in ummada oo dhan ay ka horimaanayso oo ay habaarayso axadkaasi. Alle ka sokow, mirahani waxay ka dhasheen dadaal dheer oo ay culumadu u galeen dacwada.
Taariikhda waxay noo tabinaysaa in badan oo culumada ka mid ah in jeelasha laga buuxshay juhdigaas dacawiga ah intii ay ku guda jireen. Sababta loo xirayo oo kaliyana ay ahayd faafinta diinta Alle. Culumadu waxay la yimaadeen sabar iyo yaqiin sidii salafka lugu yaqiinayba, hawlihii dacwada ahaana way sii xoojiyeen iyagoo rumaysanaa ummada Soomaaliyeed maalin maalmaha ka mid in ay fahmi doonaan kuna dhaqmi doonaan Shareecada Alle.
Culumadu riyadii ay u hayeen dadkoodii Alle waa uu u rumeeyey. Mudo gaaban gudaheed waxaa la arkay saxwadii oo guri walba gaartay, gudahana u gashay. Tanina waxay dhashay labo arimood oo waaweyn. Tan koowaad, dadkii Soomaaliyeed oo ufuqoodii iyo aragtidoodii diiniga ahaa saramaray, maxabo iyo mawadana u muujiyey diinta iyo culumada. Tan labaad, goobaha Quraanka iyo diinta lugu barto oo batay. Halkaas oo ducaad iyo xufaad farabadani ay ka soo aflaxeen wiilal iyo gabdhaba. Heer ummada Soomaaliyeed lugu tilmaamo ummadaha ugu xifdinta badan Quraanka Kariimka. Cilmigu wuxuu ahaa tiirka koowaad ee culumadu ay ku wadeen dacwada. Ujeedkuna wuxuu ahaa haddii dadka cilmiga la baro, in ay ku dhaqmayaan, iskuna dhaqayaan Shareecada, jahligana uu yahay cudurka koowaad ee mudan in lagala dagaalamo bulshada.
Dadkeenoon wax baran Maal qalbigu aniga ii diidye
Darbiguu fadhiistaa jahliga lagu Dulloobaaye
Intii Daayin cudur soo rogey Deris wadaagaane
Daawo ayuu la leeyahay Faqriga uumiyaha dilaye
Dadkeenoon wax Baran maal qalbigu aniga ii diidye—-Adan Cilmi Qabille
Taariikhdu waxay sidoo kale tilmaamaysaa dawladii dhexe markii ay burburtay, in ay culumadu bilaabeen heshiisiinta qabaailkii Soomaaliyeed ee walaalaha ahaa ee is dirirayey. Dadku waxay arkeen culumadu in ay yihiin cida kaliya ee arimahooda ka arimin karta maadaama ay ku sifaysanyihiin cilmi iyo cadaalad. Kolkaas ayeey xanaf iyo xurguf wixii dhexyaalay u soo bandhigeen si ay ugu xaliyaan. Alle ka sokow, waa dadaal dacwadeed oo yimid mudo dheer ka dib.
Inaad garashiyo aqoon,
Garaad ruuxu ku jiro,
Talada la gorfayso oo,
Arrintaada la garabsataa,
Iyana waa guddoon badhkii.—— Maxamaed Cabdicasiis Bootaan
Ka dib markii la soo qaxay, qaxootina lugu noqday qurbaha, taariikhdu waxay inoo muujinaysaa culumadu dadaalkoodii in ay sii laba jibaareen. Wadamadii loo soo qaxay, tusaalo ahaan, sida maraykanka iyo yurub dacwadii culumadu ay wadeen aad ayeey ugu faaftay. Heer ay Soomaalidu miisaal ay u noqdeen dadkii Muslimiinta ahaa ee kaga soo horeeyay wadamadaas. Magaalo walba oo ay Soomaalidu deganyihiina maraakiz iyo masaajido ayaa laga asaasay si dadka loogu badbaadiyo. Iyadoo waqtiyada fasaxa la yahay, mu’tamaraatka iyo muxaadarooyinku joogto ay ahaayeen. Dad badan baa ku soo hanuunay oo ku soo hirtay dadaalkaas dacwadeed ee culumadu ka waday qurbaha.
Ugu dambayntii, taariikhda iyo dadaalka dacwadeed ee culumada Soomaaliyeed u soo qabteen bulshadooda qoraal ama labo midna luguma soo koobi karo. Balse waxaa muhiim ah in la is xusuusiyo la iskuna baraarujiyo abaalka ay ku leeyihiin bulshada. Waxaa cajiib ah, dadka adduunka ku nool gaal iyo muslimba, dadkooda haldoorka ah sida ay u maamuusaan iyo sida aan arinkaas caydha uga nahay. Waxaan gaarnay heer aan dadaalkii culumada dil aan ugu badalno. Halkii aan uga ducayn lahaynna, caay aan ugu jazayno. Waxaa la yaab leh ummad culumadeedii dilaysa oo aflagaadanaysa sida ay ku guulaysan karto. Miyaanaan ogeyn hilibka culumadu in uu sun yahay? Taariikhdii dacwadeed ee culumadu u soo qabatay bulshada Soomaaliyeed waa taariikh u baahan in la darso, laga tusaalo qaato, lana tixgaliyo. Xaalka culumadu wuxuu la mid yahay tixdan gaaban ee uu Cismaan Yuusuf Keenadiid AUN tiriyay:
Nin shugriga Illaah iyo shahaadada qiraan ahay,
Nin shiddiyo khilaaf iyo sharka diidan baan ahay,
Nin ra’yigu hadduu sheelmo, shishow fiiriyaan ahay,
Nin shamaadka taariikhda ka sheekayn karaan ahay,
Nimaan shush illaah galinin, kana shaafiyaan ahay,
Nimaan sharafta Soomaali, shayna dhaafsan baan ahay,
Nimaan kala shir shiriddeeda ka shaqaynin baan ahay,
Nimaan shuqulka gaallada, shaabahaynin baan ahay
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM