Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dawladaha Soomaaliya & Imaaraadka Carabta oo Heshiiskii ugu Horeeyay oo Isafgarad “MoU” Kala Saxiixday

$
0
0

Dubai (RBC) Sida ay maanta shaacisay wakaalada wararka ee dalka Imaaraadka Carabta waxay dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kala siixdeen heshiis isagarad rasmi ah “MoU” kaasoo dhabaha u furaya xiriir labo geesood ah oo u dhexeeya labada wadan.

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku wasa duugay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah xubnaha wafdi ka socda dawlada federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dubai iyo wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdullaahi Bin Zayed Al Nahyaan.

Heshiiskan ayaa waxaa uu dhigayaa in labada dawladood ay si rasmi ah u wadaagaan xiriir heerkiisu sareeyo oo diblomaasiyadeed iyo iskaashi labada dawladood u dhexeeya.

Dhanka dawlada Imaaraadka Carabta ayaa safaaradeeda ka furaneysa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya taasoo xirneyd illaa sanadkii 1992-kii markii dagaaladu ka qarxeen Soomaaliya.

Saxiixitaanka heshiiskan ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin wadanka Imaaraadka Carabta halkaasoo wadahadalo ay kula yeesheen dhaxalsugahaha boqortooyada Imaaraadka iyo masuuliyiin kale.

Waa heshiiskii ugu horeeyay oo si rasmi ah labada dawladood u wada gaaraan tan iyo sanadkii 1992 markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya ayna meesha ka bexeen dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la lahayd caalamka.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles