Jowhar(RBC Radio) Raysul wasaare Cabdi Faarx Shiirdoon Saacid ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey markii uu gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo uu ku gaaray safar dhanka dhulka ah,boqolaal kamid ah shacabka magaalada Jowhar ayaa iskugu soo baxay hareeraha wadada kuwaas oo muujinayey taageerada ay u hayaan dowlada Soomaaliya.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa safar dhanka dhulka ah saaka kaga kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya isagoona intii uusan gaarin magaalada Jowhar sii maray degmada Balcad oo ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.
R/wasaaraha ayaa markii uu gaaray magaalada waxa uu maray qaybo badan oo ka tirsan magaalada,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo aaddan uu kulamo la qaato maamulka gobolka,waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka shabeelaha dhexe,soo dhaweynta raysal wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay barbaarta gaashaaman kuwaas oo soo dhweynta RW kaga qayb qaatay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.
Safarka Raysul wasaaraha ayaa qayb ka ah safar uu maalmihii danbe ku kala bixinayey gobolada dalka kaasoo uu ugu magacdaray socdaalka dhegeysiga kaasoo uu ugu kuurgalayo xaaladaha nololeed ee shacabka gobolada uu booqashada ku tagayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho