Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cabsi soo Foodsaartay Soomaalida ku Nool Kenya & Rabshado laga Baqdin qabo iney ka Dilaacaan Dalkaas

$
0
0

Nairobi(RBC Radio) Soomaalida ku dhaqan wadanka Kenya ayaa walwal ka qaba rabshado ka dasha go’aanka maxkamada sare oon saaka loo madlan yahay ineyb ku dhawaaqdo go’aanka kama danbeysta ah ee ku saabsan sax ahaanshaha guusha Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashadii dalkaa ka dhacday bilowgii bishan taasoo uu ka biyo diiday natiijada kasoo baxday  Raila Odinga oo dacwad u gudbiyey maxkamada sare ee dalka Kenya.

Soomaalida ku nool wadanka Kenya ayaa wadnaha fartaa ku haya waxa ka dhasha go’aanka maxkamada waxaana saaka gabi ahaan xayiran isus socodka gaadiidka iyo dadka ee guud ahaan magaalada Nairobi ee caasimada Wadanka Kenya halkaas oo dadka ku dhaqan dhamaantood ay isha ku wada hayaan go’aanka kama danbeysta ah ee maxkamada sare.

Waxaana soo baxay warar tilmaamaya iney jiraan abaabul iyo diyaargarow ay wadaan taageerayaasha labada nin ee sida weyn eisku haya ee Raila Odinga iyo Uhuru Kenyatta oo gudiga doorshjada Kenya ay ku dhawaaqeen inuu ku guuleystay doorashada dalka Kenya.

David Kimange taliyaha booliska dalka Kenya ayaa daboolka ka qaaday iney heleen macluumaad sheegaya iney jiraan abaabulka rabshado ay wadaan taageerayaasha labada dhinac wuxuuna tilmaamay iney heegan buuxa galiyeen ciidamada booliska isla markaane ay ciidamo dheeraad ah geeyeen goobaha laga cabsi qabo iney ka dhacaan rabshado u dhexeeya taageerayaasha Raila iyo Uhuru.

Soomaalida ku dhaqan dalkaas ayaa wel-wel badan ka qaba rabshado ka dhaca dalkaas oo saamayn badan ku yeesha,waxaana laga wada dhur sugayaa go’aanka kama danbeysta ah ee kasoo baxa maxkamada sare ee dalka Kenya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles