Muqdisho (RBC) Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa lagu wadaa inuu dhowaan soo bandhigo isku shaadheyntii ugu horreysay oo uu ku sameeyo golihiisa xukuumadda tan iyo intii la dhisay dawlada cusub dhamaadka sanadkii hore.
Ilo wareedyo ku dhow xafiiska raysul wasaaraha ayaa Raxanreeb Online u sheegay in raysul wasaaraha Soomaaliya oo hadda ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Kismaayo uu gudagalayo wadatashiyo horey u socday oo ku aadanaa isku shaandheynta golaha wasiirada taasoo madaxweynaha iyo isaga ay ka arrinsanayaan.
Raxanreeb ayaa ogaatay in dhowr wasaaradood oo hor leh-ugu yaraan labo wasaaradood lagu soo kordhin doono golaha wasiirada ee tobanka ka kooban, taasoo wax ka bedeli doonta qaab dhismeedka xukuumadda hadda jirta oo masuuliyiinta horey ugu tilmaameen in loo eegay danta qaranka markii beelaha qaar ay ka qeyliyeen wasiiro inaaney ka helin xukuumadda.
Ma cadda in sababta isku shaandheynta gadaal ka riixeysa ay tahay qancinta beelaha weli gocashada wada, laakiin ilo wareedyada la hadlay Raxanreeb ayaa sheegaya in ay jiraan dhowr sababood oo kalifaya in isku shaandheynta lagu dhaqaaqo si deg deg ah weliba. Mid ka mid ah sababahaas waxaa lagu sheegay inay tahay wasiirada hadda jooga qaarkood oo dhaliilo badan ka yimaadeen xagga shaqada loo igmaday iyo isla jaanqaadis la’aan ka dhex taagan wasaaradaha iyo xafiiska raysul wasaaraha.
Warar il wareedku sheegay laakiin si madax bannaan aan loo xaqiijin ayaa sheegaya in uu jiro tuhun musuqmaasuq oo ay madaxda sare ka dareemeen wasiirada qaarkood, isla markaana la rabo in isku shaandheynta xilalka looga qaado wasiiradaasi.
Wasiiro xilka weyn doona
Waxaa jira durba dhowr wasaaradood oo la tilmaamay in wajiyo cusub ay ka soo muuqan doonaan, waxaana ka mid ah wasaaradda addeega bulshada oo la filayo in labo loo kala jabiyo maadaama ay haddaba isdulsaaran tahay, lana keeno wasiiro cusub.
Sidoo kale wasaaradaha warfaafinta iyo hawlaha guud ayaa la filayaa in shakhsiyaad cusub la keeno isku shaandheynta markay dhacdo.
Il wareedka ayaa sheegaya in isku shaandheyntan ay dhanka kale ka dhigan tahay qeyb ka mid ah barnaamijka isbeddelka ee ay madaxweynaha iyo raysul wasaaruhuba ku dhawaaqeen dhowaan kaasoo lagu bilaabay saraakiisha sare ee ciidamada, lana filyo inay dhowaan saameynso saraakiisha amaanka oo ay ku jitaan booliska, dembibaarista, asluubta iyo maxkamadaha.
Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa bishii Nofembar 2012 ku dhawaaqay golihiisa wasiirada ugu horreeyay. Waxayna isku shaandheyntan noqoneysaa tii ugu horreysay ee ay qaado dawlada cusub.
RBC Radio