Hargaysa(RBC):- Xalay ayay Togagga ka rogmada inta u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera waxay qaadeen Gawaadhi isugu jiray kuwo raran iyo qaar kale, ka dib markii ay Roobab Xooggani habeennadii u dambeeyey ka curteen jiidda u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.
Dooxa mara magaalada Daragodle ayaa qaaday gaadhi noociisu yahay Gaadhi Waaraad ah oo u rarnaa Shirkadda Al-Xarbi kana soo baxay magaalada Berbera, gaadhigaas Waaraadka ah ayaa la sheegay in aanay cidina waxba ku noqon, balse dhammaan rarkii saarnaa waxaa la tegay Biyaha togga marayay oo aad u xoog badnaa.
Geesta kale, isla Dooxa Deragodle ayaa Habeen-hore qaaday gaadhi yar oo noociisu yahay Crown, isla markaana uu lahaa Yuusuf Cali Nuur oo ka mid ahaa Golihii hore ee deegaanka degmada Berbera, gaadhigaas ayaa isna la sheegay in toggu qaaday, balse aanay wax qasaare nafeed ahi jirin. Waxaanay wararka laga helayo deegaannada ay Dooxyadu gaadiidka ka qaadeen intaa ku darayaan in sababaha ugu wayn ee gaadiidka ay Dooxyadu u qaadayaan tahay iyadoo ay Biyaha Dooxyadu qodeen dhinaca Waddada ee ay Biyuhu u socdaan, halkaas oo noqotay godad waawayn oo ay Baabuurtu ku dhacayaan marka ay Biyuhu dhuftaan taasina ay sababayso in gaadiidku dhacaan sidaasna ay Biyuhu kula tagaan.
Dhinaca kale, Togga mara magaalada Abdaal, ayaa la sheegay in uu qaaday gaadhi noociisu yahay Langaruusal una shaqaynayey Hay‘adda ILO, kaasoo la sheegay in uu ka soo noqday magaalada Berbera. Wararka gaadhigan laga helayo ayaa sheegaya in uu markii hore Berbera geeyay masuul ka tirsan Hay’adda ILO oo garoonka diyaaradaha ee Berbera Ka dhoofayay, isla markaana soo noqoshadiisii xalay uu la tagay Daadkii marayay Dooxa magaalada Abdaal.
Inkastoo ay badqabeen, isla markaana aanay waxba gaadhin Darawalkii iyo Ciidan ilaalo ahaan ula socday gaadhigaas haddana waxaa Dooxa ku dhex-qalibmay gaadhigaas.
Xilli Raabaadyada ayay badan yihiin dhibaatooyinka ka dhex dhaca Dooxyada Waddooyinka ka dhex tallaaba ee ay Biyuhu maraan ee soo rogmada, waxaana la odhan karaa illaa immika xal looma helin sidii gaadiidka, hantida iyo naftaba looga badbaadin lahaa shilalka Dooxyada rogmanaya xilliga Roobku jiro.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.