Boosaaso[RBC Radio] Mas’uuliyiinta gobolka Bari ayaa maanta faah-faahin ka bixiyey weerarka shalay lagu qaaday Xawaaladda Kaah Express Xafiiskeeda Boosaaso,iyadoona boob iyo dil loo geystay qaar kamid ah Shaqaalaheeda.
Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Kan Degmada magaaladda Boosaaso oo maanta Shir Saxaafadeed ku qabtay Xafiiska Guddoomiyaha ku sheegay in gacanta lagu dhigay Maskaxdii ka danbeysay Weerarka Xawaaladda laguna daba Joogo raga kale ee maqan.
Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo Saxaafadda ugu horeyn la hadlay ayaa sheegay in Weerarka boobka iyo dilka ee lagu qaaday Xawaaladda Kaah uu si weyn uga xunyahay isla markaana uu ka tacsiyeynaayo,wuxuuna ku tilmaamay dhacdo laga argagaxo.
Halkan ka Dhageyso Duqa Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan Guji Halkan
..”"”Aad iyo aad baan uga Xumaanay dhacdada dhacday,waxayna ahayd mid aan meesha qaban taas hadde waxa weeye dhacdadu wey dhacdaa adduunkoo dhan bey ka dhacdaa laakiin ka dabataga iyo soo qabashada qofka danbiga galay waxay u tahay wax weyn Nabadda iyo Istiqraarka iyo Wanaaga dalka….”"”ayuu yiri Xasan.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan ayaa sheegay in lagu guuleystay in Ciidamada amniga Boosaaso ay gacanta kusoo dhigeen Maskaxdii ka danbeysay Weerarka Xawaaladda Kaah Express kaas oo lagu magacaabo Cabduqaadir Xasan Ciise”Dabliqe”.
…”"” Waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo ninmankii fal danbiyeedkaas geystay ragoodii ugu waa weynaa nin kamid ah oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Xasan Ciise”Dabliqe”,raga kale oo fal danbiyeedkaas la galay,waxaan rajeyneynaa in sida ugu dhakhsaha badan gacanta ku dhigno….”"”ayuu yiri Gallan.
Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay sidoo kale iney ku guuleysteen in ay helaan Magacyada Saxda ah ee kooxda falkaas geystay iyo dadkii ka qeybqaatay in falka Weerarka Xawaaladdu dhaco.
….”"” Waxaan ku guuleysanay inaan helno Magacyada dadkii falkaas ka danbeeyey,waxaan helnay guryihii ay magaalada ka dagenaayeen,waxaanu ku guuleysanay inaanu gacanta ku dhigno dadkii ka qeybqaatay falkaan inuu dhaco iyagana gacantaan ku haynaa…”"”"ayuu yiri.
Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan Guji Halkan
Guddi Baan U Saarnay Dhaqaalaha Maqan!!
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan ayaa xusay in Guddiga u saareen kasoo tala bixiya inta ay dhantahay lacagta laga ay kooxdu ka qaadatay Xawaaladda Kaah,isla markaana ay banaanka soo dhigi doonaan 24-saac ee socda dhaqaalaha maqan.
…”"”Waxaan u Saarnay si ay usoo Ogaadaan dhaqaalihii laga qaatay Xawaaladda inta ay leegtahay Guddi dhaqaalaha ku takhasusay oo Magaaladda kunool,Guddigaas baan u u Xilsaarnay iney soo gudbiyaan wixii halkaas nimankaasi ka qaateen wixii ay ahayd iyo tirada ay ahayd……”"”ayuu yiri Cabdisamad.
Cadeyn baan Haynaa!!!
Gabagabadii ayuu Guddoomiyhu si cad u sheegay in Cabduqaadir Xasan Ciise”Dabliqe” oo lagu sheegay Maskaxdii Weerarka ka danbeeysay lagu hayo Cadeymo iyo Markhaatiyaal in isagu yahay Shakhsiga falkaas ku lugta leh isla markaana Maxkamadu go’aan ka gaari doonto.
Si kastaba falkaan lagula kacay Xawaaladda Kaah iyo Shaqaalaheeda ayaa waxaa si weyn uga Xumaaday Shacabka Boosaaso,waxaana xusid mudan in Xawaaladda kale ee magaaladda heegan buuxa galeen iyagoo ka cabsi qaba in dhac loo geysto.
_______________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso