Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo soo dhaweeyay warbixin dhawan ay soo sartay Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee HRW (Video)

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa ka hadlay warbixintii ka soo baxday Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee HRW, warbixintaas oo lagu sheegay in xadgudubyo lagula kaco barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho waxana uu madaxweynuhu uu si cadd usoo dhaweeyay warbixintaasi.

Madaxweynaha Xasan ayaa si kulal wax laga xumada ku tilmaamay  in xadgudubyada uu yahay mid an marnaba maankooda ka dhaa dhici kariin  ayna ogalan doonin in lagula kaco dadka Soomaaliyeed waxana uu intaasi ku daray madxaweynuhuu  in isaga iyo dowladda federaalaka ah ee Soomaaliya ay soo dhaweynayaan warbixinta faahfaahsan ee ay hay’addu uga warantay dhibaatada ay barakacayaasha Muqdisho la kulmeen sanadkii 2011-2012kii.

“Ma ahaa inan marki ugu horaysay an ka hadlo arimaha xadgudubka lugula kacayo shacabka Soomaaliyed gaar ahaan kuwa ku jiraa xerooyinka barakacayaasha waxaa iga go’an in dib loo dhiso hay’adihii ammaanka ee Soomaaliya, iyo in talaabo laga qaado cidii lagu helo inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha” ayaa ka mid ahaa hadalkii madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Shiikh  sheegay in dowladdiso ahmiyada  koowaad siinayso dhismaha ciidamada ammaanka sida milateriga iyo booliiska labadaba, waxa uuna sheegay inay hadabaa wadan qorshihii  dib u habeyntoodu , ayna isbadal ku sameeyeen hogaanka ciidanka iyagoo meel mariyey sara u qaadida xirfadooda isla markana loo fidiiyey qarkood  tababaro anshaxa iyo howlwanaaga wax kataraya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankii lagu dhawaaqay bishii February 5-teedii ee dhigayey in la abuuro Koox madax banaan oo xuquuqda aadanaha ah, ay ujeedadiisu ahayd in wax looga qabto xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo in la baaro kufsiga ka dhanka ah haweenka. Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray in ay si buuxda u fahamsan yihiin mas’uuliyadda ka saaran inay ka hortagaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha taasina ay tahay mid marwalba ay ku daadalayaan sidi ay xal dag dag ah uga gaari lahaayen.

Madaxweynaha ayaa hadalkisaa ku soo afmeray in dowladdaha taa gera arimaha Soomaaliya loo bahan yahay inay gacan ka siyaan ayna ka taageran  hortagista dhibaatadan ka ahay sata arimaha xad gudubyada ka dhaca dalka Soomaaliya.

Hadalkaa madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan ay warbixin soo sartay Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee HRW waxana warbixintaas ku xuna in dhibaatoyin lugula kaco dadka barakacayaasha ah ee dalka Soomaaliya ku dhaqan.

Daawo muqalka warbixintaa uu kusoo dhaweynayo Madaxweyn Xasan

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles