Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Weerar Dhiig Badani uu ku Daatay oo lala Xiriirinayo Alshabaab oo ka dhacay Dalka Kenya

$
0
0

Malindi(RBC Radio) Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in dalkaas uu ka dhacay weerar ay dad badani ku dhinteen oo lala xiriirinayo ururka alshabaab ee ka dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya wararka laga helayo magaalo xeebeedka kulaasha badweynta Hindiya ee Malindi ee wadanka Kenya ayaa sheegay in hoteel ku yaala magaaladaas ay weerar culus ku qaadeen rag aad u hubeysan.

Saraakiisha booliska gobolka Xeebta ee wadanka Kenaya ayaa ku waramay in weerarka lagu qaaday hoteel ku yaala magaalada Malindi kaasoo ay dagaan dalxiisayaashareer galbeed ah oo  tamashleynta u yimaada magaalada oo caan ku ah dalxiiska dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay iney kooxdii weerarka soo qaaday ka dileen 6 ka mid ahaa waxayna sheegeen in dhankooda uu ka dhintay 1 sakari oo ka tirsanaa ciidamada booliska Kenya,saraakiisha booliska ayaa ku waramay inuu dhexmaray ciidanka Kenya iyo dableydii dagaalka soo qaaday dagaal muddo socday.

Taliyaha booliska gobolka Xeebta oo warbaahinta dalkaas la hadlay ayaa sheegay ineysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray ajaanibtii ku sugnaa hoteelka xiliga uu weerarku dhacayey wuxuuna sheegay in weerarka ay soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda MRC oo diidan in gobolka xeebta ee ay magaalo madaxda u tahay Mombasa ay ka mid tahay dalka Kenya,kuwaas oo lala xiriiriyo iney gacan saar dhow la leeyihiin alshabaabka Soomaaliya ka dagaalamaya.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles