Qeybtii 1aad ee warbixinta Human Rights Watch
“Xerada Badbaado, waxaa un aad u qurxoon magaceeda oo qura, balse dadku aad ayay u naxariis daran yihiin. Dadka maamula xerada waa dabley isbahaysi la leh dowladda.… Waxay qaddariyaan qabiilkooda in ka badan inta ay qaddariyaan baniaadminimada. Annaga dan iyo heelo nagama lahan, sababtoo ah haddii ay og yihiin weerarada ka dhanka ah barakacayaasha, jawaab ayay ka bixin lahaayeen marka aannu usoo sheegno. Laakiin ma badbaadshaan marka dumarku u qeylyayaan cawimaad.”…
- Waxay hordhac u tahay warbixin ka kooban 86 bog oo ay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Human Rights Watch maanta shaaca ka qaaday. Warbixinta oo ka kooban wareysiyo xaqiiqo raadin ah oo laga soo ururiyey in ka badan 70 ruux oo isugu jira barakacayaal, haween horjoogayaal ah, saraakiil hay’ado caalami ka tirsan, kuwa xuquuqda aadanaha iyo xitaa masuuliyiin ka shaqeysa samafalka ayaa bannaanka soo dhigtay arrin yaxyax leh oo ka taagan xeryaha barakacayaasha Muqdisho.
Warbixintan ayaa sheegeysa in falal isugu jira kufsi, raashiinka oo laga qaato, aflagaado, magacdil iyo xitaa dhaawacyo jireed loo geysto dadka barakacayaasha ah ee ku sugan xeryaha ku yaalla Muqdisho, waxaana arrimahaasi dusha loo saaray gudoomiyaal degmooyin, haween iyo rag horjoogayaal ka beecmushtara barakacayaasha, maleeshiyaad qabiil iyo xitaa askarta dawlada.
Haddaba Raxanreeb Online waxay soo gudbineysa dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay warbixinta Human Rights Watch, hadduu Alle idmo.
Xerada “Badbaado” laguma badbaado!
Xerada Badbaado, waxaa un aad u qurxoon magaceeda oo qura, balse dadku aad ayay u naxariis daran yihiin. Dadka maamula xerada waa dabley isbahaysi la leh dowladda.… Waxay qaddariyaan qabiilkooda in ka badan inta ay qaddariyaan baniaadminimada. Annaga dan iyo heelo nagama lahan, sababtoo ah haddii ay og yihiin weerarada ka dhanka ah barakacayaasha, jawaab ayay ka bixin lahaayeen marka aannu usoo sheegno. Laakiin ma badbaadshaan marka dumarku u qeylyayaan cawimaad. — Sidaa waxaa tiri haweeney ka mid ah barakacayaasha oo 43-sano jir ah isla markaana daggan xerada Badbaado, bishii Siteembar 2011.
Dowladda cusub ee Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in ay meelo kale u rarto tobanaan kunoo ah dad waddanka gudihiisa ku barakacay oo jooga Muqdisho sanadkaan. In badan oo ka mid ah dadkaan ayaa yimid caasimada dagaalku kala qoqobay sanadkii 2011 kadib markii ay dhacday macaluul ba’an oo abuurtay barakac baahsan. Macaluusha waxaa sababtay abaar ba’an, ammaan darro socota iyo dagaal, in laga horjoogsaday dadka rayidka ah cawimaad baniaadminimo, iyo “canshuur qaadid” siyaadeysay oo kooxda Islaamiyiinta ee hubeysan ee al-Shabaab ay ku soo rogtay ilaha dhaqaalaha iyo xoolaha nool ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Inkastoo aysan jirin tiro sax ah oo ku saabsan dadka abaartaasi dishay, hadana tobanaan kun oo qof ayaa la aaminsan yahay in ay u dhinteen cawaaqibkii ka dhashay macaluusha. Boqolaal kun oo qof ayaa u cararay wadamada dariska ah waxayna Qaramada Midoobay ku qiyaastay in in ka badan 75,000 oo barakacayaal ah ay yimaadeen Muqdisho muddo sagaal bilood ah gudahood sanadkii 2011. Baddalkii ay heli lahaayeen magangalyo iyo cawimaad baniaadminimo oo ay si dagdag ah ugu baahnaayeen, in badan oo dadka barakacayaasha ah ayaa waxay kala kulmeen gudaha Muqdisho jawi cadaawad iyo xadgudubyo ah.
Warbixintani waxay ku salaysan tahay cilmi barista wax ka badan hal sano, ayadoo ay ku jiraan 70 wareysi oo lala yeeshay dad barakacayaal ah oo cusub ama markaa yimid kuwaasoo ka soo barakacay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya intii ay socotay macaluushii 2011-2012 iyo intii uu socday dagaal ka jiray qaar ka mid ah xerooyinka waaweyn ee barakacayaasha iyo meelo kale oo dadi dagan yahay oo ku yaala gudaha Muqdisho.
Waxay warbixintu faahfaahinaysaa xaalada dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Muqdisho tan iyo markii macaluushu ay maraysay meeshii ugu sareysay bishii Luuliyo 2011 ilaa Nofeembar 2012.Waxayna ka waramaysaa xadgudubyadii soo wajahay dadkaa, kuwaasoo badanaa ay aamusiyaan kuwa ayagu ku howlan ka faaiideysiga nuglaanshahooda.
Intii waqtigaa lagu jiray oo dhan xubno ka tirsan beelaha soo barakacay ee Muqdisho ku sugan ayaa waxaa soo wajahay xadgudubyo xaquuqul insaanka ka dhan ah oo xunxun oo ay kujireen kufsi, garaacitaan, takoorid qabyaalad ku dhisan, helitaanka raashinka iyo hoyga oo la xaddiday, xaddidaadyo dhanka dhaqdhaqaaqa ah, iyo aar goosiyo lagu sameynayay markasta oo ay isku dayaan in ay ka hortagaan dhaqan xumada lagula kacaayay.
Xad gudubyadii ugu xumaa waxaa gaystay maleeshiyaad kala duwan iyo qaar ka tirsan ciidamada ammaanka, oo badanaa taabacsan dowladda, kuwaasoo ka howl galayay xerooyinka gudahooda ama meelo u dhow iyo dagaanada loogu tala galay barakacayaasha. Sida caadiga ah maleeshiyaadkaas waxaa lala xiriirshay ama xukumayay maareeyeyaasha, ama “waardiyeyaasha ganjeelka” waa sida loo yaqaanee, ee xerada barakacayaasha.
Waardiyeyaasha Ganjeelka
Masiirka barakacayaasha waxaa uu badanaa ku jiraa gacmaha waardiyeyaasha ganjeelka. Maadaama ay ayagu yihiin “dadka haya”, waardiyeyaasha ganjeelkawaxay go’aamiyaan meesha ay dagayaan, sida ay meelahaas ku tagayaan barakacayaashu iyo badanaa awoodooda ay ku helayaan gargaar baniaadminimo. Waardiyeyaasha ganjeelku waxay badanaa ka soo jeedaan qabiil awood leh oo tiro badan oo maxali ah; oo mar mar waxaa lala xiriirshaa dowladaha hoose ama maleeshiyo beeleedyo ayagu sida cad bixiya ammaanka balse xaqiiqdii maamula xerooyinka. Dhibaatooyinka badan ee ka jira xerooyinka- mindhaa dhibaatada ugu dhibka badan waa carqalada dhanka galmada ah.
Dumarka barakacayaasha ah iyo gabdhaha waxaa soo wajaha halis weyn oo dhanka kufsiga ah Muqdisho gudaheeda. Waxay u sheegeen Human Rights Watch in kufsigu caadiyan ka dhici jiray habeenkii aqalada. Xataa Badbaado, oo ah mid ka mid ah xerooyinka barakacayaasha ee dowladu maamusho ee kuyaala caasimada, ma ahayn “mid badbaada ah!!!”. Dhowr dumar ah ayaa sheegay in rag hubeysani ay kufsadeen raggaas oo ku labisnaa darees ciidan, kuwaasoo qaarkood lagu tilmaamay in ay ahaayeen askar dowladeed.
Afkii baa juuqda gabay
Dhibaneyaal badan oo loo geystay carqalad dhanka galmada ah uma soo sheegaan wixii qabsaday hayadaha dowliga ah sababtoo ah waxay ka baqaan in aargoosi dadka ka dambeeya dhibaatooyinka loo geysto ay kula kacaan, waxay sidoo kale ka digtoon yihiin in bulshadu ku ceebeyso wixii ku dhacay, waxayna kalsooni aad u yar ku qabaan in hay’adaha dowliga ah ay jawaab ka bixin doonaan wixii loo geystay.
Aabaha haweeney da’ yar oo afar nin oo ku labisnaa dareeska militariga dowlada ay kufsadeen ayaa sheegay sidaan: “Cidna halkaan kama naqaano, Muqdisho waan ku cusub nahay. Marka anagu ma anaan isku dayin inaan aadno caddaalada, sababtoo ah waxaa na dhibayay taliyaha markii gabadhayda la kufsaday. Marka sidee ayaan halkaan qof u aamini karaa? Waxaanu ku qasbanahay inaan aamusno.” Kuwii hadla waxay un heli karaan xulashooyin yar oo loogu tala galay badbaadin, cawimaad dhanka caafimaadka ah, ama magdhaw.
Ammaanka xerada, oo badanaa ku xiran dabley dowlada taabacsan, si joogto ah ayaa loogu walcinayay hanjabaadyo iyo weeraro ka dhan ah dadka barakacayaasha ah, kuwaasoo carruuri ay ku jiraan. Waxaa si gaar ah khatar u ah inta raashin qeybinta lagu jiro ama inta baaritaanada teendhooyinka hay’adaha gargaarka baniaadminimda ay bixiyeen la wado.
Iyadoo cadaadis dhulka iyo hantida saaran oo sii kordhaya oo ka jira Muqdisho dartii, beelo muddo dheer barakacsanaa iyo weliba beelo ayagu dhawaan soo barakacay ayaa waxay si sii kordheysa u noqonayaan kuwo u nugul raritaan qasab ah oo laga rarayo meelaha ay daggan yihiin.
(La soco qeybta 2aad, insha Allaah.)
_________________________________________
*Isha warbixinta: HRW.