Gaalkacyo[RBC Radio]Waxaa warar dherad ah laga helayaa afub maantay gudaha magaaladda Gaalkacyo logu geestay arday wax kabarta mid kamid ah Dugsiyada sare ee wax barashada.
Ardaygan ayaa waxaa la caddeyey inay afdubka ugeesten koox maleeshiyad ah oo kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo mana jiraan illa xiligaan cid si toos ah uga hadashay afdubkan loo gestay ardaygan,ardaygan ayaa waxaa uu wax kabaran jiray dugsiga sare ee Mudug kaasi oo kuyaala koonfurta magaaladda Gaalkacyo.
Xiriiro kala gadisan oo ay shabacada Raxanreeb lasamaysay maamulada ka arimiya labada dhinac ee Gaalkacyo waa Puntland iyo Galmudug ayana inuu sura galin walow dhinacyo anuu la xiriirnay ay ka gabsadeen kahadlka afdubka loo gestay arday ku abtirsada dhinaca Puntland.
Lama garanayo sabbabta keentay afduubka ardaygaasi balse waxaa lala xiriirinayaa inuu saamayn ku leeyahay mawjado afduubyaa oo magaalada hareeyay bilihii danbe.
Magaalada Gaalkacyo ayaa u muuqanaysa mid ay ku soo badanayaan afduubyada rayidka gaar ahaan ardayda iyo dhalinyarada bulshada ku jirta.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska wararka Gaalkacyo