Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo soo gaadhay Berbera

$
0
0

Berbera(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay magaalada Dubai ee xarunta Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, halkaasoo ay Madaxweynaha iyo Weftigiisu caawa ku sugnaan doonaan ama u hoyan doonaan.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa isla maanta ka soo ambabaxay magaalada Dubai, ka dib markii uu soo dhammaystay safarka shaqo ee uu Imaaraadka Carabta oo lagu marti-qaaday. Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Weftigiisa waxa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Berbera, halkaasoo ay ku qaabbileen Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumaddiisa ka tirsan, Xildhibaanno golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada ka kala tirsan, dadweyne tiro badan, masuuliyiinta degmada Berbera, Maareeyeyaasha iyo Shaqaalaha Dekedda Berbera, Madaxda Gobolka Saaxil iyo Masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada KULMIYE iyo UCID.

Madaxweynaha Waxa Safarkiisa ku weheliyey masuuliyiin isugu jira Wasiirro, Afhayeenka Madaxtooyada, waxaana soo noqoshadiisa ku weheliyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, inkasta oo aanu Faysal markii hore Weftiga Madaxweynaha ka mid ahayn.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha safarkoodan ugu soo qabsoomay iyo guulaha ay ka gaadheen kulammo kala duwan oo uu la yeeshay Masuuliyiinta dawladda Imaaraadka Carabta maalmihii uu ku sugnaa Dubai, isaga oo sheegay inay wax waliba guul ugu soo dhammaadeen, isla markaana dawladda Imaaraadku ay ka aqbashay inay Somaliland ka hirgeliso mashaariic horumarineed oo kala duwan.

Waxaa uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo warbaahinta ugu sheegay garoonka diyaaradaha ee Berbera, inay dawladda Imaaraadka Carabtu Somaliland ka fulin doonto kaalmooyin kala duwan iyo mashaariic guul u ah Xukuumadda iyo Bulshada reer Somaliland, kuwaasoo uu xusay inay ka mid yihiin mashaariic lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo jidad isku xiri doona magaalooyinka kala duwan ee Somaliland oo ay ugu dheertay waddo isku-xiri doonta magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles