Gaalkacyo[RBC Radio]Iyaado lugu jiro xili roobadka gu’ga ayaa waxaa deegaano hoostaga gobolka Mudug ka da’ay roob saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.
Deegaanka Roox oo hoos tagta degmada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug ayaa 24-saac ee igu danbaysay waxaa ka da’ay roobab lixaad leh kuwasi oo saameyn ku yeeshay dadka deegaankaasi Roox iyaadona roobobkan ay si gaar ah usameeyen dadka xoola dhaqatada ah ee xoolaha ku dhaqda Roox.
Guddoomiyaha deegaanka Roox Maxamed Sheekh Doon ayaa Raxanreeb u sheegay in saacadihii ugu danbeeyay ay deegaanka ka da’een roob siweyn logu dirsaday walow sida uu sheegaay roobabkaasi ay ahaayen kuwo saameyn ku rebay dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaankaasi.
Maxamed Sh.doona ayaa in taasi ku daray in illaa 530-neef ay ku naf waayen daadad xoogleh oo ka dhashay roobkaasi hal uu bur bur uu soo garay guuryaha qaar ee ku yaaley deegaanka Roox oo ka tirsan gobolka Mudug.
Roox waxaa ka da’ay roobab isku xigey oo 24-saac ee ugu danbaysay si xiriir ah u da’ay roobabkan waxaa ka dhashay daad xoogan waxaana daadku uu la tagay 530-neef halka ay bur bur an xooganen uu soo garay qar kamid ah guuryo ku yaalay Roox inkasto guuryahaasi ay ahayen kuwo sarna togaga ay mareyeen biyuhu ayna dumeen qaybo kamid ah”waxaa intaasi uu sheegay Raxanreeb guddoomiyaha deegaanka Roox Maxamed Sh.Doon.
Guddoomiyaha oo siwatey hadalkiisa ayaa ku baqay in loo bahan yahay in gar gar dhinacyo kala gadisan ah lasoo garsiiyo deegaanka Roox maadama sida uu sheegay uu intaasi kasii badan karo qasaaraha uu sabbaaben roobabkani inkasto ay ahyeen raxmad eebe oo ay dadka iyo dunyaduba ay ku diirsadeen.
Ugu danbentii guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku soo idleeyey baaq uu ka dirayo kaneeco ba’an oo deegaanka ka jirta isagona ku baaqay in dadka deegaanka lala soo garo marekaneecada laga galo kaneecada.
Roobabkan ayaa si isku mid ah uga da’ay deegaano dhor ah oo katirsan gobolka Mudug iyadona illa shalay ay roob lugu diirsaday uu ka da’ay magaaladda Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Wararka Gaalkacyo