Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

XOG: Raxanreeb.com oo la kulantay Gabdho la sheegay in lasoo xaday oo Garoowe ku sugan.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Gabdhahan oo tira ahaan Gaaraya 5 ayaa gacanta Wasaarada Haweenka Puntland  Soogalay Bilowgii bishan aynu ku guda jirno kadib markii laga qabtay Meel u dhaw magaalada Qardho 28 February balse 3dii March  Wasaarada Haweenka Puntland ay lasoo wareegtay  Habdhaha  iyadoo loo sii waday Magaalada Bosaaso oo ay sheegeen in shaqo loogu waday, 2nin oo la sheegay in ay Gabdhahaasi wadeen ayaa waxay ku xiranyihiin Xabsiga Magaalada Garoowe waxaana ku socota Baaris iyo halka ay u wadeen 5tan  Gabdho iyadoo looga shakiyay in ay wadaan arimo la xiriira ka ganacsiga dadka ama ay doonayeen in ay iibsadaan gabdhaha.

 

Hadaba si aan waxyaabo badan xog ah u helno ayeey Raxan-Reeb ku booqatay Guri ku yaal Magaalada Garoowe oo lagu hayo gabdhahaasi, waxayna inoo sheegeen in xaaladadooda Caafimaad ay ladan tahay oo ay helaan Cunno, Meel ay seexdaan yo Caafimaadkooda oo si  joogto ah looga fikiro, Gabdhuhu waxay kaloo sheegeen Dadka ku xiran Xabsiga in ay u wadeen Bosaaso si ay halkaasi uga soo shaqeeyaan laakiin aysan wax kale jirin iyagana aysan ahayn dad lasoo xaday oo Waalidkood ay ka warqabeen Xiligii ay kasoo tagayeen guryahooda laaakiin Saraakil ka tirsan Ciidanka ayaa sheegay in shakiga wayn uu keenay gabar 5 jir ah oo gandhahaasi ka mid ah taasi oo sida muuqata aan shaqo qaban Karin iyo nimanka waday gabdhaha oo qudhooda kala hadlay sidaa darteedna ay Baaris ku socoto.

 

Deegaanada Xawaadley iyo Walamoy oo Gobolka  Sh/Dhexe ee Dalka   ka tirsan  ayeey sheegeen in ay ka kala yimaadeen waxayna Raxan-Reeb u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin dib ugu celinta Deegaankooda ay markii hore kasoo hayaameen waxayna sheegeen in ay ku ladanyihiin halka ay ku sugan yihiin iminka oo aysan dareemin wax Cabsi ah ama handadaad ah si weynnah looga Fikiro Caafimaadkooda Guud ahaan iyagoo u mahad celshay Wasaarada haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo Iminka Gacanta ku haysa  sida ay Raxan-Reeb u Sheegeen.

 

Magacyada Gabdhaha iyo Da’dooda inta ay jiraan ayaa ah sidan.

 

1, Abaayo Tamaan Buufey      5jir

2. Jiijo   Maxamed Axmed       13jir

3,Maryamo Macaw Xuseen    14jir

4,Jiijo Maamad Deerow           10jir

5,Ruqiyo Xaaji Maxamed         14jir.

Hadaba si aan wax badan uga ogaano Xaalada dhabta ah oo ay ku suganyihiin caruurtan waxaan ka wareesanay Agaasimaha Hormarinta Caruurta u qaabilsan Wasaarada haweenka Puntland  Aamina Maxamuud Nuur waxayna inoo sheegtay in Caruurtan ay Lasoo wareegeen Wasaaarada haweenka kadib markii lagu soo wargeliyay in ay ku suganyihiin Saldhiga kadibna ay u kireeyeen Guri wayn iskuna xilqaameen ka warqabkooda iyo ilaalintooda iyadoo sheegtay sidoo kale in Caruurtan dhawaan lagu wareejin doono Waalidkood oo la filayo qaar ka mid ah in ay soo gaaraan  Magaalada Garoowe, Amino Waxay kaloo Raxan-Reeb u sheegtay in Ragii Caruurtan Waday ay Baaris ku socoto ayna xiranyihiin,balse wasaarad ahaan waajibkii saarnaa ay guteen ayna si wanaagsan uga warqabaan Xaalada Gabdhahan.

 

“Waxaan la xiriirnaa Waalidkood si aan laabta ugu dajino uguna sheegno in Caruurtooda ay joogaan Dhul ka mid ah Dalka Soomaliya waan garan karaa Hooyo ka maqan Caruurteeda Xanuunka ay dareemeyso waayo anigaba hooyo ayaan ahay waana ka damqanayaa waalid iyo Caruurtiisa oo kala Maqan, waan u sheegnay Hay’adaha Qaabilsan Arimaha Dib u celinta iyo ka hortaga Ka ganacsiga Dadka laakiin Culayska Caruurta iyo ka warqabkooda inaga ayuu ina saran yahay, waa Gabdho waana Hilib bisil wax walba oo dhibaato ah way u nuqulyihiin sidaa darteed ayaa looga taxadarayaa, Wasaarada haweenka Puntland gaar ahaan Xafiiska ka warqabka Caruurta oo aan Aniga qaabilsanahay waa nagu waajib in aan ka warhayno Caruurta kuw la dhagrayo iyo kuwa sida kale u liitaba, sidaana waxaa tiri Aamino Maxamuud Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Caruuta ee Wasaarada Haweenka Puntland oo Raxan-Reeb u warameesay.

 

 

Waxyaabaha shakiga wayn keenay ayaa ah in gabdhahan ay isku barteen oo qura Gaarigii lagu soo qaaday balse aysan horay isu aqoon oo ay usii dheertahay in hal magaalo loo waday ayaa taasi waxay soo dadajisay in gabdhahana dib loo soo celiyo ragii wadayna la xiro maadaama ay isa soo tareen kiiasaska la xiriira ka ganacsiga dadka iyo Iibsiga Caruurta aan Qaan gaarin si Lacag looga macaasho,waxaase la filayaa sida wararka ugu dambeeya ee arintaani la xiriirta ay sheegeyso in Gabdhahan 7kan gudhiisa lagu wareejin doono Waalidkii dhalay.

 

Tan iyo Burburkii Dalka kadib ayaa dhalaanka yaryar waxay gabaad u noqdeen in si qasab ah lagu ciidameeyo, la xado ,la kufsado ama la gato iyadoo aysan jirin Cid u maqan iyo Ceel u qodan toonna wallow iminka uu jiro ifafaalo aan cago badan ku taakneyn oo la xiriira in ay jiraan Hay’ado u dooda Xuquuqda Caruurta iyo dad ka damqada Xadgudubyada loo gaysto Caruurta Siiba Gabdhaha  oo Daabulkoodu uu sii tarmayo marba marka ka dambeeya mana ahan markii ugu horeesay oo Caruur sidan oo kale loogu qabto Puntland.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles