Addis ababa (RBC Radio) Dowlada wadanka Ethiopia ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay rag ay sheegtay iney ka tirsanaayeen kooxda alshabaab ee dagaalka ka wada dalka Soomaaliya war ay soo saartay hay’ada sirdoonka wadanka Ethiopia ayaa lagu sheegay in laamaha maanka dalkaas ay gacanta ku dhigeen 8 nin oo xiriir la leh alshabaab.
Sirdoonka wadanka Ethiopia ayaa ku sheegay warka ay soo saareen in raggani ay xiriir la leeyihiin ururka alshabaab waxayna ku sheegeen ujeedada ay u joogeen gudaha wadanka Ethiopia iney abaabulayeen mu’aamarad ay ku doonayeen iney ku afduubtaan saraakiil ka tirsan hay’adaha qaramada midoobe.
Sirdoonka Ethiopia ayaa sheegay iney ku daba joogeen raggan kuwaas oo ay sheegeen iney hayaan cadeymo muujinaya in 8 ruux ee ay hayaan ay ka tirsan yihiin ururka alshabaab isla markaane ay qorsheynayeen afduubka shaqaale ka tirsan hay’adaha qaramada midoobe gaar ahaan hay’ada cunada aduunka.
Warka kasoo baxay laamaha sirdoonka wadanka Ethiopia ayaa waxaa lagu tilmaamay in ragga la qabtay uu qorshahoodu ahaa in marka ay afduubtaan shaqaalaha hay’adaha qaramada midoobe ay lasoo galaan gudaha dalka Soomaaliya si ay u dalbadaan lacago madax furasho ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho