Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa sheegay in ciidamada shisheeye ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya ay ku guul dareysteen hadafkii ay ka lahaayeen Soomaaliya afhayeenka guud ee ururka alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Sh Cali-dheere oo wareysi siinayey idaacad ku hadashay afka alshabaab ayaa sheegay in ciidamada taageeraya dowlada Soomaaliya aysan gaarin hadafkii ay usoo galeen Soomaaliya.
Cali-dheere ayaa tilmaamay in ciidamada Amisom iyo kuwa Ethiopia ay isweer ka hayaan isla markaane ay xero ugu jiraan dagaalamayaasha alshabaab sida uu sheegay wuxuuna tilmaamay ineysan awood u lahayn iney dhaqdhaqaaq ku sameeyaan deegaanada ay ku sugan yihiin kadib markii sida uu sheegay ay ciidanka alshabaab u diideen iney nabad ku naaloodaan.
Sh Cali-dheere ayaa sheegay in ciidamada shisheeye ee kaalinaya dowlada Soomaaliya ay quudareynayeen hadii ay la wareegaan magaalooyinka waaweyn ee gobolada dalka in awooda alshabaab ay wiiqmi doonto isla markaane ay iyagu xukumi doonaan balse wuxuu tilmaamay in awooda ciidan ee alshabaabku ay tahay mid xoogan.
Afhayeenka guud ee ururka alshabaab sh Cali MAx’uud Raage Cali dheere ayaa sheegay in ciidamada taageeraya dowlada Soomaaliya uu gabi ahaanba fashilmay ujeedadii ay usoo galeen dalka Soomaaliya wuxuuna ku faanay in dagaalamayaasha alshabaab ay ciidamadaas ku khasbeen ineysan bannaanka uga bixin magaalooyinka ay qabsadeen isla markaane ay ciidamada alshabaab kala jareen magaalooyinka taasine ay keentay ciidanka Amisom iyo kuwa Ethiopia ay ku adkaatay iney isku gudbaan sida uu sheegay,wuxuuna ugu danbeyntii sheegay in alshabaab ay ka go’an tahay in ciidamada shisheeye ay kasaaraan guud ahaan dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho