Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Isbitaalka Guud ee Magaaladda Boosaaso Oo Laga Bilaabay Qaliimo Kala Duwan [Dhageyso +Sawirro]

$
0
0

 

Shacab doonaya iney ka faa’ideystaan Qaliimada lacag la’aanta ah oo ku sugan Isbitaalka Boosaaso

Boosaaso[Sawirro] Isbitaalka Guud ee magaaladda Boosaaso ayaa waxaa laga bilaabay Qaliimo kala duwan iyadoona ay ka sameynayaan Dhakhaatiir Ajnabi ah oo gaareysa 16,kuwaas oo u kala dhashay qaar kamid ah dalalka Afrika.

Bulshadda ku dhaqan magaaladda Boosaaso iyo dad iyaguna uga kala Yimid magaalooyinka kale ee Puntland oo doonayey iney ka faa’ideystaan ayaa soo buux dhaafiyey gudaha Isbitaalka guud ee Boosaaso,waxayna dhamaantood ku faraxsanaayeen addeega bilaashka ah ee Qaliinka loogu sameynaayo.

Maamulaha guud ee Isbitaalka Boosaaso Maxamed Axmed Xuseen”"Timajilic” oo Saxaafadda Uga Warbixiyey Ujeedka iyo waxa uu ku Saabsanyahay Qaliimada kala duwan ee ay sameynayaan dhakhaatiir u dhashay wadamada Afrika ayaa sheegay in hawsha Qaliimadu yihiin kuwa lacag la’aan ah.

Maxamed Timajilic ayaa sheegay in dhakhaatiirtu isugu jirto “dhakhaatiir,kalkaaliyaal iyo Suuxiyaal,waxayna dhamaantood sameynayaan qaliimo guud sida saarida burooyinka iyo daaweynta dadka ka cabanaya kilya Xanuunka.

Diiwaangelinta oo ka socota Isbitaalka Boosaaso

…”"”  Dhakhaatiirtan fadhigoodu waa wadanka Kenya,ilaa 2-da bisha April-na wey Joogayaan.waana 16-dhakhtar oo isugu jira dhakhaatiir, Kalkaaliyaal iyo kuwa Suuxinta qaabilsan,waxay kaloo sameynayaa qaliimo guud bey sameynayaan sida burooyinka oo ay saarayaan iyo daaweynta Kilyaha…”"ayuu yiri.

Wuxuu xusay in Saddex maalmood oo ay ka hawlgalayeen Isbitaalka ay ka faa’ideysteen Qaliimada ay sameeyeen dad gaaraya ku dhawaad 20-qof oo u badan Carruur faruuran isla markaana ay joogayaan ilaa 2-da bisha April ee soo socota.

…”"” Qaliimadan oo ah kuwa lacag la’aan ah,waxa ka faa’ideysanaya dadka faruuran,ilaa hadda 20-qof ayaa lagu sameeyey Qaliimo culus iyo kuwa fudud,runtii,waxay Shaqadu u socotaa si qurux badan oo habsami leh,waxaana loofa faa’ideeyey Carruur aad u badneyd.Barnaamijkan waa mid muhim ugu ah dhamaan bulshadeena..”"”ayuu yiri Maxamed Timajilic.

Cunug yar oo faruuran oo la doonayo in Qaliin lagu Sameeyo!!!

Maamulaha guud ee Isbitaalka Boosaaso Maxamed Axmed Xuseen”"Timajilic”ayaa u mahadceliyey Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame dadaal dheer ee ugu jiro U Gargaarida bulshada Xanuunsan,wuxuuna ku amaanay kaalinta muga leh ee u ka qaatay keenitaanka Dhakhaatiirtan.

Maamulaha guud ee Isbitaalka Boosaaso Maxamed Axmed Xuseen”"Timajilic”

…”"Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame oo arintan qeybweyn ka qaatay hadda ka horna kaambeyno sidatan oo kale ah dadka ugu sameeyey….”"”ayuu yiri mar kale.

Mid kamid ah Waalidiinta ka faa’ideystay Qaliinka lacag la’aanta ah ayaa isna Saxaafadda u sheegay Qaliin lagu sameeyey Cunug Saddex bilood jiray oo faruurnaa isla markaana lagu guuleystay Qaliinkiisa..

Maamulaha Isbitaalka Boosaaso Maxamed Timajilic

..”" Cunug yar baan watey Xaqiiqatan aniga ayaa masuul ka ahaa,wuxuu jiraa Saddex bilood aad iyo aad ayaan uga walwalayey meesha aan geyn lahaa dhakhtarna ka heli lahaa aniga oo isku dayaayey inaan dalka dibadiisa u qaado balse ay i suurtageli weyday,Waxaan aad ugu faraxsanahay in dhakhaatiirtu noogu timid Isbitaalkayagii Boosaaso oo aan wax dhibaato ah kala kulmin…”"”ayuu yiri.

Mid kamid ah Waalidiinta Ilmahooda Qaliinka ka Faa’ideystay!

Dr.M.ONGUTI oo Raxanreeb u Sheegay iney ku faraxsanyihiin in Bulshada Soomaaliyeed Addeeg lacag la’aan ah u qabtaan!!!!!

 Si kastaba Qaliimada lacag la’aanta ah oo ay fulinayaan dhakhaatiirta ayaa la filayaa mudada ay joogaan Isbitaalka Guud ee Boosaaso iney ka faa’ideysan doonaan boqolaal dadweyne ah oo qaba Xanuuno kala duwan.

Jaamac oo kamid ah Waaxda Suuqgeynta Golis oo Kaarar ay Hadlaan ugu siiyey Dhakhaatiirta Qaliinka fulinaysa!!

 

______________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles