Marka (RBC) War goordhow naga soo gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya labo ciidamo oo ka wada tirsan kuwa dawlada taabacsan uu ka qarxay xarunta maamulka degmada oo ku taalla bartamaha magaalada Marka.
Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii ciidan watay illaa saddex baabuur oo ku hubeysan noocyada fudud ee hubka oo ka yimid duleedka magaalada ay weerar ku soo qaadeen xarunta maamulka degmada oo ay ku sugnaayeen ciidamo boolis ah. Ciidanka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen kuwa militariga ee ku sugan duleedka magaalada Marka.
Qof ku sugan magaalada Marka ayaa goordhow telefoonka ugu sheegay Raxanreeb Online in rasaasta fudud laga maqlayo magaalada xaafadeheeda, iyadoo dhimasho iyo dhaawacba uu geystay dagaalkan.
Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay suuqa magaalada Marka oo aan waxba ka fogeyn xarunta degmada ee weerarka uu ka bilawday.
Illaa hadda waxaa naloo xaqiijiyey dhimashada labo askari oo ka tirsan dhinacyada dagaallamay iyo dhaawaca labo kale. Ruux saddexaad oo sida naloo sheegay ah haweeney caano ku iibineysay suuqa ayaa iyaduna dhaawac culus uu soo gaaray.
Mid ka mid ah hawlwadeenada isbitaalka Marka oo aan rabin in magaciisa aan xigano amaanka dartiis ayaa sheegay in dhaawaxa haweeneyda suuqa caanaha ku iibineysay uu aad u daran yahay lagana yaabo in qalliin lagu sameeyo saacadaha soo socda.
Dadka xog ogaal ah oo ku sugan Marka ayaa Raxanreeb Online uu sheegay in dhinacyada ciidamada booliska uyo militariga ee dagaalamay ay ka kala tirsan yihiin labo ciidan oo maalinimadii Jimcihii 22/03/2013] ku dagaalamay kontoroolka laga soo galo magaalada halkaasoo dhimasho iyo dhaawac uu ku jiro sarkaal sare oo militariga ah uu ka dhashay.
Koox ka tirsan labada garab ee ciidamada ee dagaalamay ayaa difaac ka dhigtay xarunta hay’adda COSV oo maamusha isbitaalka Marka kaasoo aan ka fogeyn dhismaha isbitaalka, halkaasoo ay rasaasta si aad ah ugu dhowaatay.
Dagaalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si adag u dhaliilay saraakiisha ciidamada ee dagaalka dhexmaro dhexdooda ayna dadka rayidka ah ku waxyeeloobaan.
Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com
RBC Radio