Xaafuun [RBC Radio]Sida ay sheegeen kalluumaysatada degmada xaafuun ee gobolka Karkaar,xeebaha deegaannadka waxaa ka socda jaliif ba’an oo ay ka wadaan maraakib shisheeyo oo laga leeyahay dalal carbeed,waxaana xilligaan la sheegay in har iyo habeenba ay maraakibta ku jiraan xeebaha ka agdhow Xaafuun.
Kalluumaysatada degmada Xaafuud waxaa ay sidoo kale sheegen inay dhib ku hayaan maraakibta maadamaa sida ay sheegen ay ka bur buriyeen agabyadii ay ku kulluumaysan jiren.
Doonyaha iyo maraakibta iswata ee la sheegay inay guranayaan kheyradka ku dhex duugan xeebaha Soomaaliya ayaa Kalluumaysatada degmada Xaafuun waxaa ay sheegen in laga leeyahay dalalka Yeman iyo Iiraan,hal sidoo kalena ay sheegen inay jiraan doonyo kale oo iyagan aaysan wali xaqiiqsan halka laga leeyahay.
Guddoomiyaha Kalluumaysatada degmada Xaafuun Maxamed Muuse C/laahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xilligaan ay jogsatay shaqadii ay qabsan jireen Kalluumaysatada deegaanka islamarkana ay shaqo la’aan yihiin maadamaa ay dhib kala kulmeen doonyahaas shisheeye ee ku jira xeebada deegaanka.
Waxaa uu soo hadal qaaday guddoomiyuhu doonyaha sharci darada uga Kalluumaysanaya xeebaha dalkeena inay bur buriyeen agabyadii ay ku Kalluumaysan jiren halka sidoo kalena uu sheegay inay ka qaaten qar ka mid ah doomihii yar yara ee ay dadka deegaannka ku Kalluumaysan jireen.
“Dhib xooggan ayaa naga heysta doomaha iyo maraakibta is wadata ee sida sharcidarada ah u xaalufinaya khayradka badeena,ma jirto xilligaan cid Kalluumaysi ka adaana Xaafuun iyo deegaannada ka agdhow,maadamaa inta badan agabkii lugu Kalluumaysan jiran ay bur buriyeen doomahas,arrinataan ma ahaa mid hadda timid ee waa mid ku soo lab laabata xeebaha dhulkeena”ayuu yiri Maxamed Muuse C/laahi oo ah guddoomiyaha Kalluumaysatada degmada Xaafuun .
Waxaa uu soo hadal qaaday Maxamed Muuse C/laahi,in Kalluumaysatadu xilligaan ay hayso baahi ku aadan agabka Kalluumaysi,waxaana uu baaq u diray dowladda Puntland iyo cid kasta oo wax ka qaban karta dhibaatada ay ku hayaan doonyaha shi sheeyo xeebaha Puntland.
________
RBC Radio