Muqdisho[RBC Radio]Waxaa maanta muddo 23-sanno kaddib dib loo furay Machadka duulista iyo Saadaasha Hawada,waxaana xarig jaray wasiirka warfaafinta, boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.
Munaasabada lugu dah-furayey Machadka duulista iyo Saadaasha Hawada,waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda ,Maareeyaha Machadka Macalimiin iyo arday maanta tababarka ugu horeeyey uu furmayo ayaa waxaa uu maanta ka dhacay xarunta wasaaradda warfaafinta.
Daah-furkii munaasabada waxaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha machadkan uu qaban doono maareeyaha machadka duulista rayidka iyo saadaasha Hawada Eng, Maxamed Axmed.
“Arday 58 iyo labo Macalin ayaan haynaa, waxaana u qabanaynaa tababar socon doono muddo labo bil ah, oo aan ku ogaaneyno heerka aqoontoodu ay gaarsiisantahay” ayuu Eng, Siyaad hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale waxaa isna hadal jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” ayaa ka hadlay qiimaha machadka uu Soomaali u leeyahay.
“Muddo 23 sano kadib in dib loo howlgeliyo xarunta machadka tababarka saadaasha hawada waxay inoo tahay farxad in xaruntaan aan dib u howgelino, sida aad ogtihiin Machahadkii weli lama hirgelinin, laakiin si KMG ah ayay xarunta Wasaaradda ugu tababaranayaan, ardaydaani waa mustaqbalkii beri ee duulista iyo saadaasha hawada” ayuu yiri Agaasime Bahlaawi.
Intaad kaddin waxaa munaasabada soo gunaanaday wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka hadlay dadaalka lagu bixiyay in machadkan dib loo howl geliyo, isagoo xusay in machadku ay ka faa’iideysan doonaan arday badan oo diyaar u ah inay wax ka bartaan saadaasha hawada.
“Machadka Duulista Saadaasha hawada ee Soomaaliya in aan dib u furno waxa ay ka dambeysay sidii hay’adihii iyo kaabayaashii wasaaradda dib loo soo nooleyn lahaa, sanadkan waxyaabaha aan hirgelinay ee lagu faani karo waxaa ka mid ah gaadiidka cirka iyo dhulka iyo kuwa kale oo aan hirgelinay” ayuu Wasiir Ciilmooge hadalkiisa ku daray.
Waxaa la sheegey furitaanka Machadka duulista rayidka iyo saadaasha hawada inay tahay mid wax weyn kusoo kordhin kara horumarada dalka Soomaaliya uu xiligan ku talaabsanayo.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho