Muqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegay iney ciidamada dalka Ethiopia awood ciidan kaga saari doonaan gobolada dalka Soomaaliya ay kaga sugan yihiin afhayeenka ururka alshabaab ee dhanka hawlagalada Ciimada a C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada alshabaab ay u diyaargaroobeen sidii ay ciidamada Ethiopia uga xoreyn lahaayeen dalka Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in ciidanka Ethiopia ay dhibaato ba’an ku hayaan.
Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay kaga gacan sareeyaan dagaalada hada ku dhexmarayo meelo badan oo ka tirsan gobolada Baay,Bakool iyo Gedo wuxuuna tilmaamay iney Ethiopia awood ciidan kaga saareen magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen magaalooyinka Xudur,Ceelbuur,Maxaas iyo Waxbo oo uu dhamaantood sheegay iney la wareegeen ciidanka Ethiopia kadibne ay dib uga saareen sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka alshabaab ayaa sheegay in maalmaha dhow ay ciidanka Ethiopia la arki doono iyaga oo ka huleelay guud ahaan goobaha ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in ciidanka alshabaab ay dagaalo aan kala joogsi lahayn ku hayaan ciidamada Ethiopia taasine ay ku khasabtay iney ka baxaan deegaano badan oo ay markii hore qabsadeen.
C/casiis Abu Muscab ayaa tilmaamay in alshabaab ay hada ku rajo weyn yihiin iney dib ula wareegaan dhamaan goboladii iyo degmooyinkii laga saaray wuxuuna hooska ka xariiqay in dagaalka ay kula jiraan dowlada iyo ciidamada kaabaya uusan istaagi doonin ilaa ay alshabaab ka wada arimiyaan dalka Soomaaliya sida uu hadalka u yiri.
RBC Radio