Muqdisho [RBC Radio]Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Ethipian ah oo ay wehlinayaan kuwa dawlada ee gobolkaasi ku sugan ay ka bilaabeen hawlgal ka dhan ah kooxaha weerarada ka geysta gobolkaasi.
Hawlgalada ay fulinayan ciidamada wadajirka ah ayaa ka bilawday degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey, iyadoo ciidamo fara badan ay u dhaqaaqeen tuulooyin ku dhow dhow labada magaalo.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ay baadigoobayaan dadka taageersan Al Shabaab ama la shaqeeya, waxaana la qabtay dad badan.
Hawlgaladan ayaanay jirin ka hadashay maamulka gobolka Gedo, waxaase ay ku soo beegmayaan xilli dhowaan dawlada iyo ciidamada Ethiopianka ay sheegeen inay weerar ku qaadidoonaan deegaanada gobolka ka tirsan ee weli ku jira gacanta ururka Al Shabaab gaar ahaan degmada Baardheere.
RBC Radio
Xaffiiska wararka Muqdisho