Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha Soomaaliya, raysul wasaaraha iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa ka mahad-celiyey ansixinta raysul wasaaraha,kaddib markii mudaneyaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay maanta oo Sabti ah cod gacan-taag ah ku ansixiyay magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka, Cabdiweli Sheekh Axmed.
Kulanka ansixinta raysul wasaaraha oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ka qeyb-galay 243 mudane, waxaana shir guddoominayay afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
239 xildhibaanno ayaa codka kalsoonida siiyay raysul wasaaraha, labo ayaa diidday, halka labo kalena ay ka aamustay.
Khidbadii madaxweynaha
Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka ka horjeediyey khudbad,waxana uu madaxweynaha baarlamaanka ka hor sheegay marxaladihii uu ku soo magacaabay raysul wasaaraha cusub,isagoona hadalkiisa ugu horren ugu tacsiyeeyey baarlamaanka geeridii ku timid dhamaanba xildhibaanada ka tirsanaa ee siyaabaha kala duwan ugu dhintay.
Intaas kaddib madaxweynaha ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay inuu markale horyimaado baarlamaanka isagoona hor-geynaya shaqsiga uu usoo magacaabay inuu noqdo raysul wasaaraha cusub ee xukuumada soo socota ee Jamhuuriyada Soomaaliya,isa ay baarlamaanka uga gutaan waajibad kooda dastuuriga ah oo ay ku kalsooni siiyaan si uu u guda galo waa jibkiisa oo uu soo dhiso xukuumad cusub raysul wasaarahu.
Madaxweynaha waxaa uu faah faahin ka bixiyey habka uu ku soo magacaabay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya,waxana uu tilmaamay madaxweynaha inuu magacaabistisa ay ku timid latashiyo badan,waxana uu soo hadal qaaday madaxweynaha inuu ka soo dhex doortay rasul wasaaraha cusub,ilaa 70 xubnood oo dhamaantod jagada isku soo taagay,waxana uu u mahad-celiyey madaxweynaha dhamaanba xubnihii soo dalbaday inay noqdaan rasul wasaaraha cusub.
Xassan Sheekh waxaa uu sheegay inuu ku kulsoonyahay rasul wasaaraha cusub inuu dar dar galin doonno sii socoshada horumarka dalka ee la doonayo inuu higsado,isagoona inta ku daray in sababaha uu u xushay rasul wasaaraha xilligaan la ansixiyey ay tahay inay ka go’antahay sii wadida howlaha horyaalla dowladisa,waxana uu madaxweynaha khudbadiisa ku sharaxay qoddobada xilligaan qabashada u baahan ee horyaalla rasul wasaaraha cusub.
Madaxweynaha ayaa baarlamaanka ka codsadey inay kalsoonida siiyan rasul wasaaraha cusub,sii uu u guda galo dhismaha xukuumada cusub,madaxweynaha ayaana mudanayaasha baarlamaanka ugu mahad-celiyey markii guddoomiyaha baarlamaanku uu ku dhawaaqay in la ansixiyey raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.
Xassan Sheekh madaxweynaha Jamuuriyada faderaalka Soomaaliya,waxaa uu khudbadiisa ku soo xiray in qorshahoodu uu yahay sidii dowladda tiisa xigtay loogu soo dooran laha codka shacabka Soomaaliyed,taasina wuu ku tilmaamay isaga iyo rasul wasaaraha cusub inay ka wada shaqeyn doonan.
Halkaan ka dhageyso Khudbada-Madaxwaynaha
Khudbada R/wasaaraha cusub:
Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed,ayaa isna baarlamanaka khudbad ka hor jeediyey,waxana khudbada rasul wasaaraha salaan kaddib uu ku hadlay muddo yar afka (Mayga) oo ay ku hadlan tirada ugu badan ee xildhibaanada Soomaaliya.
Cabdiweli Sheekh Axmed,rasul wasaaraha cusub ee Soomaaliya,waxaa uu khudbadiisa ku soo qaaday waxqabadkiisa uu doonayo inuu ku soo dhiso xukuumada uu soo wado iyo qorshayaasha xilligaan uu doonayo inuu qabto.
Ammaanka ayuu sheegay rasul wasaaraha cusub inuu xoogga saarayo,iyagoona ka shaqeeynaya sidii loo si fidin lahaa oo loo garsinlaha guud ahaanba gobollada dalka,kala danbeynta iyo dowlad wanaaga ayuu sheegay inuu dor muqda sin doono,isagoona ku daray inay dibu heshiisin sameyn doonan oo la heshiisiyo shacabka Soomaaliyed.
Raysul wasaaraha cusub waxaa uu sheegay inuu doonayo inuu soo dhiso xukuumad ku salaysan hanaan ay kuwada qancaan ummada Soomaaliyed,isagoona inta ku daray inuu ku dadaalli doonno sidii ay u imaan lahayd xukuumad wax qabad muuqda la timaada.
Halkaan ka dhageyso Khudbada-Raiisul-Wasaaraha-
Isku soo wada duubo magacaabistiisa ayaa timid kaddib markii raysul wasaarihii asaga ka horreeyay, Cabdi Faarax Shirdoon uu waayay codka kalsoonida baarlamaanka horraantii bishan kaddib khilaaf soo kala dhex galay asaga iyo madaxweyne Xasan.
Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa haatan looga fadhiyaa inuu soo magacaabo gole cusub oo wasiirro ah, kaas oo isna la hor gayn doono baarlamaanka si loo meel-mariyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku rajo weyn in raysul wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa ay dib u billaabi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo wali ka talisa qeybo ballaaran oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio