Boosaaso (RBC Radio) Waxaa maanta magaaladda Boosaaso ku qabtay shir jaraa’id Axmed Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo ah curadka AUN Boqorkii Beelaha Daarood Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse(KINGKONG).
Shirka Jaraa’id oo u ku qabtay Hotel Bulsho ayaa Axmed Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (Kingkong) ayuu ku sheegay in xiligaan uusan jirin cid boqor Daarood sheegan karta isla markaana ku takrifali karta iney kaligeed soo magacaabato Boqor taasina ay tahay midaan la qabali karin waana baadil.
’’’’Majiro wax Boqor ah oo shaqeynaya xiligan mana jiri karo cid ku takri-fali karta iney kaligeed soo duubto Boqor aan jirin lana aqbali Karin,waana baadil in koox ku dhawaaqdo …..’’’’ayuu yiri Axmed Boqor Kingkong.
Wuxuu sheegay in shirar goos goos ah u socdo jifida Boqorka iyo Beesha Cismaan Maxamuud,shirkaasna lagu soo saari doono cida rasmiga ah ee hoggaaminta doonta qowmiyada Daarood.
…..’’’’ …..’’’’’Annigoo ah Axmed Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ahna curadkii boqorkii u danbeeyey ,waxaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan qowmiyada Daarood ee aan kazoo jeedo ku wargelinayaa in la iskaga yimid wadanka gudihiisa iyo dibadiisa si loo soo saaro Boqorkii badeli lahaa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse.,Isla mar ahaantaas loo fadhiyo hada…..’’’’’ayuu yiri.
Mar Saxaafaddu ay weydiisay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Burhaan Boqor Muuse oo horay u ahaan jiray Wakiilka Boqorka Beelaha Daarood,wuxuuna sheegay inuusan jirin khilaaf labada dhinac u dhaxeeya balse wakiilkii wakhtigiisu dhammaaday.
……’’’’’Majiro wax khilaaf ah oo inoo dhaxeeya ,waxa weeye waxaan jirin wax Boqor ah ilaa hadeertaan ,wakiilkiina wakhtigiisa waa dhammaaday …..’’’’ayuu yiri Axmed Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse(Kingkong).
Dhanka kale Shir ay ku yeesheen beelaha Bahdir (19.12.2013) gudaha magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayey ku sheegeen in Boqorka Beelaha Daarood u doorteen Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Shirka oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa,waxaa goob joog ahaa aqoonyahanka,odayaasha ,waxgaradka ,siyaasiyiinta Beelaha Bahdir,kuwaas oo isku raacay in Burhaan yahay boqor Daarood.
Waxaa shirka lagu taageeray tallo soo jeedin ay soo gudbiyeen Beesha reer Yuusuf Cismaan Boqoree (Cismaan Maxamuud),taasoo ahayd in Boqor Burhaan Boqor Muuse laga dhigo Boqorka beelaha Daarood .
Shirka Jaraa’id oo dhameystiran Axmed Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse.
__________________
RBC Radio