Muqdisho (RBC) Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidamada booliska ayaa shaaca ka qaaday hawlgal ka dhan ah hubka sharci darrada ee lagu dhex wato caasimada inay ka bilaabayaan magaalada Muqdisho.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen gudoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Warsame Maxamed Axmed (Joodax) iyo afhayeenka booliska Gen Maxamed Cumar Madaale ayay ku sheegeen in hawlgalkaasi qeybtiisa ugu horreysa uu ka dhaqangalayo degmada Xamarweyne oo ah xudunta magaalada iyo halka ay ku yaallaan xarumaha ugu badan ee dawlada.
“Hub aan ahayn midka ciidamada oo la og yahay laguma dhex wadan karo magaalada.” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Warsame Joodax.
Afhayeenka booliska ayaa isaguna sheegay in ay qabanayaan cid kasta oo hu sharci darro ah sidata ayna ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.
Tallaabadan ayaa noq0oneysa midii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga fuliyo magaalada Muqdisho, waxaana aan la ogeyn sida ay u dhaqangeli karto walow dadka ay sheegeen in haddii ay hirgasho tallaabadan ay wax badan ka bedeli karto amni darrida daashatay caasimada dalka.
Ciidamada dawlada laftooda oo aan habeysneyn ayaa had iyo jeer iyagoo hubeysan si habqan ah loogu arkaa xaafadaha iyo jidadka magaalada taasoo sababta in iyaga dhexdooda uu dagaal dhexmaro dad rayid ahna khasaare ka soo gaaro.
RBC Radio