Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta ku casumay qasriga madaxtooyada musharaxiinta kula loolamaysa jagada doorashada soo socota si ay uga wada hadlaan habsami u socodka hawlaha doorashada laysuna turxaan bixiyo.
Saacadu markay ahayd 10:00 subaxnimo ayaa musharaxiintu soo gaareen Madaxtooyada iyagoo qeyb qeyb u socda soo dhoweyn diiran kadibna waxaa loo gudbiyey goobtii uu kulanku ka dhici lahaa halka xubnihii la socday la fariisiyey xafiis gaar ah.
Dr. Faroole & Ku xigeenkiisa Gen. Cabdisamed Cali Shire ayaa soo galay goobtii kulanku ka dhici lahaa kadib markii lagu wargeliyey in dhamaan musharaxiintii soo wada xaadireen wuxuuna salaam & kaftan ku bilaabay ragii la loolamayey isagoo muujiyey niyad wanaag & qalbi furnaan.
Labada dhinac waxay si wada jir ah u muujinayeen dareen farxad leh iyadoo laga dheehan karay wejiyadooda sida ay maqsuudka ugu yihiin kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan qofkasta oo madasha joogayna wuxuu saadaalin karay in Isfahan buuxa la gaari doono marka aad qiimayso sida la isu dhex maquurtay markiiba.
Kaftan & duur xul kadib madaxweynaha ayaa kulanka furay wuxuuna cadeeyey sida uu ugu faraxsan yahay in uu musharaxiinta ku soo dhoweeyo qasriga Madaxtoooyada isagoo xusay in kulanka kadib ay wada qadayn doonaan uuna rajaynayo in waxkasta is fahan ku dhamaadaan isagoo raga qaarkiis bogaadiyey sheegayna inay qayb ka soo qaateen asaaskii Puntland.
Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar oo ku hadlayey afka musharaxiinta ayaa hadalkii kala wareegay Madaxweynaha wuxuuna dhankiisa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay maanta la kulmaan Madaxweynaha kalana hadlaan wixii tabashadooda ah.
Samatar wuxuu sheegay in uu Musharax Cali Xaaji Warsame u soo bandhigi doono qodobada ay musharaxiintu isku soo afgarteen doonayaana inay kala xaajoodaan madaxweynaha & Ku xigeenkiisa.
Kulan albaabada loo laabay.
Intaas kadib waxaa lagu wargeliyey werfidiyeenadii inay isaga baxaan hoolkii shirku ka socday kadibana waxaa kulan albaabadu u xiran yihiin u bilaabmay Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa & Musharaxiinta kaas oo qaatay mudo labo saac ka badan.
Sida ay sheegayaan xogo buuxa oo la isku halayn karo Furitaankii shirkaas albaabadu u xirnaayeen musharax Cali Xaaji Warsame ayaa u soo bandhigay qodobada ay musharaxiintu ku soo heshiiyeen kuwaas oo ka koobnaa 4 qodob oo kala ah:
1-In si wadajir ah loo magacabo guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka.
2-In la magacaabo guddi issimadu ku mideysanyihiin oo loo noqdo (Marjac).
3-In la aqbalo imaatinka goobjoogayaal caalami ah.
4- In la qeexo hawsha guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Barlamanka iyo weliba guddiga issimada.
Dr. Faroole oo hadalka qaatay kadib markii musharax Cali Xaaji Warsame soo gudbiyey qodobadooda ayaa aqbalay qodobada kala ah a) In korjoogayaal caalami ah doorashada lagu casumo b) in qaabka ay u shaqaynayaan Gudiga ansixinta Baarlamaanka & Gudiga Isimada la isla waafaqo & c) In Gudi Isimo oo marjac ah la sameeyo inkasta oo uu qadobkaas sheegay inuu u yaalo duubabka dhaqanka lagana rabo inay iyagu u hawl galaan dhankiisana wuxuu soo jeediyey in la sameeyo xeerka anshaxa musharaxiinta.
Madaxweynuhu wuxuu faahfaahin ka siiyey musharaxiinta dhismihii Gudiga xalinta khilaafaadka & ansixinta Baarlamaanka isagoo xusay inay sharci ahaan u leeyihiin soo magcaabidooda aysana ahayn banka ood balse dhamaan Madaxweynayaashii soo maray Puntland ay sidan oo kale u soo magcaabi jireen iyadoo la hayo tixraac & cadaymaheedii oo qoraal ah.
Intaas kadib Musharaxiinta markii uu hadalku ku soo wareegay waxay u gacan haadiyeen musharax Maxamed Cabdi Nuur isagoo sheegay in loo baahan yahay in Gudiga xubno laga siiyo wuxuuna ku dooday in doorashadii 2009 Madaxweyne Cade Muuse uu 3 xubnood siiyey musharaxiintii la tartamaysa oo Madaxweyne Faroole ka mid ahaa.
Musharax Nuur markii uu hadalkii soo idleeyey waxay musharaxiintu u baaqeen Musharax Cali Cabdi Awaare waloow uu ka cudur daartay inuu hadlo isagoo sabab uga dhigay in hadalkii intaas ku dhan yahay .
Musharaxiin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Cabdiwali Maxamuud Gurey & C/daahir Maxamed Yuusuf Yey ayaa kulankaas ka hadlay iyagoo eedayn kala dul dhacay Madaxweynaha inkasta oo aysan soo bandhigin cadaymo muujinaya eedaymahoodaas.
Madaxweyne Faroole ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo eedihii loo soo jeediyey si uu uga gaashaanto is fahmi waa shirku ku soo idlaado iyo in xaalku noqdo mindi mindi ku tag.
Saacadu markii ay gaartay 12:00 duhurnimo oo la isku mari waayey qodobka Gudiga xalinta khilaafaadka & ansixinta Baarlamaanka kulankiina ku soo dhamaaday natiijo la’aan ayuu madaxweynuhu soo jeediyey in loo dareero qadadii sidii balantu ahayd balse Musharaxiinta ayaa dhankooda codsaday in wakhti ay ku wada tashadaan la siiyo .
Intaas kadib Madaxweynaha & Ku xigeenkiisii ayaa u baneeyey goobtii uu shirku ka socday musharaxiintuna waxay yeesheen kulan albaabadu u xiranaayeen oo iyaga u gaar ah Madaxweynuhuna wuxuu ku sugayey xafiiskiisa.
Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa wakhtigaas diyaar garoowgii ugu danbeeyey ugu jiray diyaarinta qadadii casumaada ahayd ee loo qorsheeyey musharaxiinta iyadoo miisaska lagu sii diyaariyey cuntadii, macmacaankii & sharaabkii.
Qadar 20 daqiiqo ah kadib waxaa soo baxay Musharaxiinta kala ah Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar & Cali Xaaji Warsame kuwaas oo sheegay inay si gaar ah u rabaan Madaxweynaha ayna fariin uga sidaan musharaxiintii kale.
Qadada waan qaadacnay.
Kadib markii labadii musharax loo gudbiyey Madaxweynaha markiiba waxay ku wargeliyeen in musharaxiintu qadadii qaadaceen ayna u qaadeen codayn taasina ay keentay in aqlabiyadoodu ku gacansayro cunitaanka qadadaas.
Shirkii sharaa’ij ee Musharaxiinta.
Kadib musharaxiintu waxay bilaabeen inay ka soo dareeraan Madaxtooyada waxayna markiiba soo abaareen xarunta PDRC halkaas oo ay ku qabteen shirjaraa’id faahfaahina kaga bixiyeen kulankii ay la soo qaateen madaxweynaha.
Waxay sheegeen inay dhankooda sameeyeen tanaasul badan balse Madaxweynuhu ka soo debci waayey go’aankiisii iyagoo ugu baaqay cidkasta oo gacan ka geysan karta inay dhex dhexaadin ka bilaabaan khilaafkaas.
Musharaxiintu ma soo hadal qaadin qadadii ay soo qaadaceen kamana bixin wax faahfaahina sababihii ay ku qawadeen casumaadaas loo balansanaa!.
Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Faroole.
Dhankiisa ayuu madaxweyne Faroole shir jaraa’id ugu qabtay aqalka Madaxtooyada isagoo faahfaahin ka bixiyey kulankii uu la yeeshay musharaxiinta qodobadii looga dooday & qodobadii la isku mari waayey.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu sameeyey tanaasul weyn uuna aqbalay shuruudihii musharaxiinta marka laga reebo in dib loo soo magcaabo gudiga xalinta khilaafaadka & ansixinta baarlamaanka saamina laga siiyo musharaxiinta isagoo cadeeyey inuu xaq u lahaa soo magcaabida gudigaas ayna hada u shaqaynayaa si sharaciga waajaqsan.
Dr. Faroole wuxuu baaq u diray musharaxiinta ay ka dhabta tahay inay u tartamaan jagada Madaxweynaha isagoo ugu baaqay inay dib ugu laabtaan go’aankooda halka uu raga qaarkiis ku tilmaamay inaysan ka dhab ahayn musharaxnimadu oo ay leeyihiin dano gaar ah oo kale.
Wuxuu xusay in talaabadii ay musharaxiintu ku qaadaceen qadadii casumaada ahayd ay ahayd mid dhaqanka soomaalida ku ceeb ah oo la isaga gabyi jiray isagoo yiri “waxay kaloo diideen arin dhaqanka Somalida aad ugu xun oo la iskugu gabyi jiray oo ahayd inaan qado sharaf maanta u samaynay halkan (Madaxtoyada)” ayuu yiri madaxweynuhu.”.
Madaxweynuhu wuxuu meesha suurtagalnimada in is faham waagii maanta uu carqaladayn karo habsami u socodka hawlaha doorashada isagoo cadeeyey in waxkastaa sidii ay ahaayeen ooo sharacigu jidaynayey ay u socdaan.
Raxanreeb
Garoowe